Weji Ku Maashka Dekedda Berbera, Waa Tuug Tiriig Sita.! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weji Ku Maashka Dekedda Berbera, Waa Tuug Tiriig Sita.!
April 24, 2016 - Written by Editor:

Rabi naxariistee Janno ha ka waraabiyee halgamaagii Geeska ee Suugaanta Marxuum Abwaan Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-Gadhle) markii dhaqan ahaan iyo nolol ahaan inta uu u cuntami waayey ama maankiisa uu ka daadegi waayey ficilo ugub ah oo bulshada qaybo ka mid ahi jeebadaha kala soo baxeen markii dalka dib loogu soo noqday 1991. Dhaqamada ama afcaashaa Abwaanka ka yaabiyey oo ah kuwa Maanta loo yaqaanno weji-ku-macaasha, taasoo macnaheedu yahay Nin u kiraysan Masuul xil haya ama Ganacsade lacag haysta, waxa uu samaynayaana ay tahay Ninkaa masuulka ah ama Ganacsadaha haddii wax laga sheego khalad iyo sax midkuu doono ha noqdee Ninkaa afku tumaha ahi waxa uu isku waajibiyey inuu Shaashadaha Warbaahinta intuu tago, isagoo gambadh sita inuu halkaa uga bileedheeyo ciddii Ninkaa wax ka sheegtay, xataa haddii inuu cambaareeyo wiishkii Xaramka kusoo go’ay, isagu waxa uu diyaar u yahay inuu arrintaa fuliyo.

Dhaqankan oo sida la wada qirsan yahay ah mid ku cusub bulshada reer Somaliland oo aanay hore caado ugu lahayn, hase-ahaatee kasoo raacay xeryihii qaxoontiga Itoobiya kadib bara-kici ka dhashay dagaaladii u dhexeeyey Ururkii SNM iyo Taliskii Miletariga ahaa. Haddaba markii dalka lagu soo noqday 1991-kii bulshaduna kusoo guryo noqotay degeladoodii, iyadoo waxaasi ku lamaan yihiin ayaa dadka intiisii wanaagsanayd waxa isu qaban waayey dhaqankan guracan iyo milgihii ama sharaftii ay markii huwanaayeen, kadibna Abwaanku isagoo bulshada uga digaya inay feejinaadaan dhaqan-doorsanka, isla markaana ka digaya shakhsiyaad damac xumi si guracan u adeegsado magacooda waxa uu curiyey Maanso dheer oo uu ugu magac daray ‘Tuug Tiriig sita’.

Kooxahaa weji-ku-macaashka ah oo waqtigan caadaystay inay xajiimeeyaan shakhsiyaad ka mid ah hal-doorka bulshada waxa ka mid ah jihaysaneyaal indhaha dalqo ku leh ee xaaba Dekedda Berbera, kuwaasoo ku suntan hal-ku-dhaga ah; ‘Weji Ku Maashka Dekedda Berbera’ iyagoo si guracan u difaacaya masuul bulshada adeege u ah, si ay u helaan Shilimaadka Cashuur ahaan Muwaadiniinta looga qaado ee sida haada loogu daadiyo. Waxay isu muujinayaan inay wax tarayaan Maareeyaha Dekedda, balse wax-tar ha joogee waxyeelo ay ku ku yihiin, sidaa darteed waxaan odhan karaa ‘Weji Ku Maashka Dekedda Berbera’.

Sidaa awgeed haddii kooxahani ay ka waantoobi waayaan ficiladoodaa foosha xun ee ay is leeyihiin ku difaaca Maareeyaha Dekedda Berbera waxay mudan doonaan waxay mudan yihiin iyaga iyo isaguba (Cali-Xoor-xoor), Cali-na waa Nin aanu ilaahi xil qarin oo la mid ah Nin ku fadhiya Kursi ay ku tahay Bambo bilaa biin ah.

Prof.Maxamed Muuse Jaamac

Hargeysa, Somaliland

Mmjaamac@gmail.com

COMMENTS
LINKS