Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Amrayo Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa Banaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Soo Saaray Wareegto Lagu Amrayo Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa Banaan
April 10, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa (W.N)  Wasiirka Wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde Ayaa  Maanta  Soo   Saaray   Wareegto   Galo  Amrayo  Dhamaanba  Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa Banaan Laga Bilaabo Maanta Oo Taariikhdu Tahay 01/04/2016 Kuwaasi  Oo  Lagu Wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa Banaan In Adeegyada Ay Bixinayaan Ee Ay U Qabanayaan Muwaadiniinta Haday Tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta Lagu Iibiyo Ama Lagu Kireeyo, Iyo Dhamaan Wixii Adeega Ee Laga Fulinaayo Dalka Gudihiisa Waxaa Waajib Ah In Lagu  Xidho Aqoonsiga Muwaadinka Ee (Id Card-Ka Muwaadinka), Si Loo Sugo Qof Adeega Loo Samaynaayo Cida Uu Yahay Iyo Waxa Uu Qabto.

Wareegtadan  oo  dhamays tiran ayaa waxa ay  u  qornayd  sidan hoos ku  xusan:-

KU: DHAMAAN HAY’ADDAHA DAWLIGA AH IYO KUWA MADAXA BANAAN                                 =XARUMAHOODA=

OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                         =HARGEYSA=

UJEEDO: WAREEGTO WASIIR NO: 01/2016

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu

Markuu Arkay:                          baahida loo qabo in la kala saaro Muwaadinka iyo Dadka Ajaanabiga

Markuu Arkahy:                        baahida loo qabo ilaalinta Nabadgalyada Dalka iyo Muwaadiniinta reer Somaliland

Markuu garawsaday:                  in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan Hay’addaha Dawladu iyo kuwa madaniga ahba in ay ku dhaqmaan meeelmarinta iyo fulinta shuruucda Dalka.

Wuxuu Amrayaa

Laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 01/04/2016 waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan in Adeegyada ay bixinayaan ee ay u qabanayaan Muwaadiniinta haday tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta lagu Iibiyo ama lagu kireeyo, iyo dhamaan wixii Adeega ee laga fulinaayo Dalka gudihiisa waxaa waajib ah in lagu  xidho Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID card-ka Muwaadinka), si loo sugo qof Adeega loo samaynaayo cida uu yahay iyo waxa uu qabto. Dadka Ajaanibka ah ee ku sugan Dalka gudihiisa iyagana waxaa lagu xidhayaa Aqoonsiga Dal ku jooga ay bixiso Waaxda Socdaalku (Immigration), sidoo kale cidii sidata Baasaboor iyo Dal ku gal (entry Visa) aan wakhtigiisu dhicin qofkii aan sidan Aqoonsi Cidii adeeg u fulisa waxa uu noqonayaa Dambiile Qaran waxaana laga qaadayaa Talaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale dadka ku dhex safaraya Dalka Gudihiisa waa in lagu xidhaa Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID Card-ka), isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya dhamaan xarumaha Ganacsi iyo xarumaha Dawladu waa in ay haystaan Aqoonsiga Muwaadinka ee ID Card-ka, cid kasta oo shaqo siisa qof aan haysan Aqoonsi waxa uu noqonayaa dambiile.

Sidaas darteed, laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa waajib ah ku dhaqanka wareegtadan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS