|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha Oo Joojiyay Mulkiyadii Beeraha iyo Habacsanaan Maamul Xumo Oo Soo foodsaartay Hawlihii Wasaarada,
April 22, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Gabiley) Wasaarada beeraha ayaa ah wasaarad muhiimad wayn u leh qaranka iyo wax soo saarka dalkaba iyadoo xiligan lagu jiro xili roobaad u baahan in door la xaadle laga qaato balse wasaarad beeraha ayaan marnaba helin masuuliyiin ku haboon kuwaasi oo leh kartidedii haday tahay mid aqooneed iyo mid maamulba waxay guul daro ku tahay madaxwayne siilaanyo oo ay u odhan karto wuu hagraday wasaarad Beeraha iyo muhiimadii ay dalka u lahayd HadabaWasiirka beeraha Somaliland oo ah masuul wax yar uun hayay xilka wasaaradaas hayay ismarkaana aqoonta beeraha iyo maamulkeeda lagu tuhun sanaa ayaa wax talaabo ah oo xaga hurumarka ah halka dhanka shaqada iyo waaxihii muhiimka ahaa uu joojiyay shaqadoodii taasi oo is badal ku keentay habkii wada shaqayneed ee shaqaalaha wasaaradaas isaga oo kala xigtaystay shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaas,waxaana uu magacaabay sadex agaasime waaxeed oo jufadiisa ah halka inamadii kale ee joogayna shaqada uu ka caydhiyay sidoo kalana shaqaalihii sanadkan ee loo qoondeeyay wasaaradaas oo dhamaa 15 shaqaale ah waxa uu dhamaantood ka dhigay qaar jufadiisa oo aanay xataa u dhamayn beesha uu kasoo jeedo taas oo amakaag iyo fajiciso ku noqotay shacabka reer somaliland iyo shaqaale waynaha wasaaradaas. Kuma ee ka oo kaliya habcsanaanta ka muuqata xilka loo igmaday Wasiir Maxamed Daahir iyo shaqaalaha ee waxa uu si rasmi ah u hor istaagay mulkiyadii la siin jiray dadka beeralayda ah isaga oo siiya mulkiyada beeraha cida gaar ah ilaa hadana macada sobobta uu u joojiyay mulkiyadan beeraha oo ahmiyad wayn ulahayd beeralayda iyo ta xukuumada oo dhinaca cashuurta ka caawin jirtay. Sidoo kale xiliga aynu ku jirno ayaa ah xili ay wali jirto saamayntii abaartii ba,anayd ee ku dhufatay guud ahaan gobolada Somaliland balse xiligan la helay raxmaadki EEBE ayaa waxaa dhawaan loo daah furay wasaaradaas lacag dhan 4.5 million dolar iyo dhaqaale kale oo loo qoondeeyay in lagu caawiyo dadka beeralayda ah si looga gaashaanto abaaraha soo noqnoqonaya oo ah xalka kaliya ee loo hayo umada,waxaana nasiib daro gacanta u gashay wasiir Maxamed Daahir oo aan la saadaalin karin sida uu ufuliyo mashruucan oo u baahn in cadaalad loo gaadhsiiyo guud umada reer somaliland ee khuseeyo.iyada wararka aanu helaynaa tibaaxayaan in madmadaw badani soo kala dhex galay wasiirka iyo haayadaha ku shaqada leh sidoo kalana ay jiraan haayado la noqday mucaawimadii kadib markii musuqmaasuq badan oo shaki galiyay haayadihii wada shaqaynta lalahaa kasoo ifbaxay masuuliyiinta wasaarada.
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE WARIYE HASAN ALI COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|