War Deg Deg ah ;Madaxwayne siilaanyo oo Xil ka Qaadis ku Sameeyay Wasiirkii Boosaha iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah ;Madaxwayne siilaanyo oo Xil ka Qaadis ku Sameeyay Wasiirkii Boosaha iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha.
April 29, 2016 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

 

  1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

 

Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Og:     Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

 

  1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL

Og:     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS