|
|||||
WAJAALE NEWS
War Dag-Daga: Madaxweyne Silaanyo Oo Miray Xukuumadiisa Kuna Sameeyay Isku Shandhayn Xil ka Qaadis Iyo Magacaabis
April 3, 2016 - Written by Editor:
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu goโaansaday 1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo) Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka Saaxil Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu goโaansaday 1. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu goโaansaday In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis Ku: Mudane, Dr. Maxamed Faarax Ducaale, Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay. Related posts:๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ War Deg Deg Ah Gudigii Dhexdhexaadinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye Oo Soo Saartey Go,aamo Xal U Ah kh... โIntii Cid kale Lagu Durdurin Lahaa Ha Ku Durduriyo, Nuux Ismaaciil Ee Bal Yaan Arab Isaaq Uun Lagu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |