|
|||||
WAJAALE NEWS
War Dag-Daga: Madaxweyne Silaanyo Oo Miray Xukuumadiisa Kuna Sameeyay Isku Shandhayn Xil ka Qaadis Iyo Magacaabis
April 3, 2016 - Written by Editor:
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu go’aansaday 1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo) Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka Saaxil Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu go’aansaday 1. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis Ku: Mudane, Dr. Maxamed Faarax Ducaale, Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay. Related posts:DAAWO VIDEO: Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Boorama Oo Faahfaahiyay Qodobadii Kasoo Baxay Kalfadhigii... War Deg Deg Ah; Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Uu Madaxwaynaha Jsl Sexeexay Soo Celinta Xeerka Ururada Oo La... Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|