|
|||||
WAJAALE NEWS
Wajaale Cashuur Sharci Daro oo Xubno Ganacsato Ah Magaca Rugta Ganacsiga Kaga Qaadaan Badeecadaha La Gaynayo Dalka Itoobiya Iyo Masuuliyiinta ku Gacan Siiya,
April 15, 2016 - Written by Editor:TOGWAJAALE(Wajaalenews) Xubno Ganacsato ah oo tiradoodu Toban Xubnood gaadhayso iskuna magacaabay Gudida Ganacsatada Magaalada tog Wajaale ayaa Badeecadaha kala duwan ee sida sharciga ah ugu gudbaya dalka itoobiya ee [ELSIiGAI] loo yaqaano kaga qaada Cashuur sharci daro ah oo dalka Bari Galbeed meel kale oo lagu qaadaa aanay jirin Gudidan ayaa cashuurta sharci darada ah ku qaada Magaca Rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha. Rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha ayaa xafiiskii u horeeyay ka furatay Magaalada Wajaale bilawgiii sanadkii hore waqtigaas oo ay si wada jira xadhiga uga jareen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga DR Muuse Qaasim waxaase Bulshada iyo Ganacsatada Wajaale ku dhaqan la yaab ku noqotay Cashuurahan sharci darada ah ee magaca Rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha lagu qaadayo oo Xafiiskooda ka furan Caasimada Hargaysa aanu wax cashuura ka qaadin dhamaan ganacsiyada iyo badeecadaha kala duwan ee la gaynayo dalka itoobiya . Gudidan Ganacsatada ah ee Magaalada Tog Wajaale ee Magaca Rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha cashuurta sharci darada ah ku qaada waxaa Gacan ka siiya Ururinta Cashuurta Sharci Darada ah Maamulaha Kastanka Wajaale Axmad Xasan Jaamac [Maal] oo Amar ku siiyay Booliska Ilaalada Cashuuraha ee xukuma Barta Kaantaroolka ee looga gudbo Dalka Itoobiya in aanu dhaafi karin Gaadiidka Badeecada sida ilaa uu xaqiijiyo Sayid Aw Daahir Xasan oo ka mida Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ee ku qoran Kastanka Wajaale in ay bixiyeen Cashuurta Sharci Darada ah hubiyana in ay Gaadiidku sitaan Warqada[ A Foorta ] oo lagu qoray Magaca Rugta Ganasiga Warshadaha iyo Beeraha iyo [ certificate of origin ] iyadoo kooxdan Magaca Rugta Ganacsiga ku shaqaysataa Xadiga Lacageed ee cashuurta sharci darada ee ay qaadaan ka badan tahay Xadiga Lacageed ee Dawlada Hoose ee Magaalada Wajaale ka qaado Badeecadaha kala duwan ee u gudbaya dalka itoobiya. Iyadoo Tallabadan u suurto gashay Gudidan Ganacsada ahi ay tahay Calaamad lagu Xaqiijin karo Dawlad Xumada baahsan ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyadoo ilaa imika lahayn Xogta dhabta ah iyo Masuulka ka danbeeya ee daaha dabadiisa ka hagaya ama ruqsada u siiyay in ay gudida ganacsatada ahi ay Cashuur Sharci Daro ah ka urursadaan Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale oo Aqalka Madaxtooyada S/land looga taliyo u jirta Sideetan Kiiloo Mitir oo kaliya . Dhanka kale Gudida Ganacsatada ah ayaan la garanayn meesha ay geeyaan Dakhliga faraha badan ee ka soo gala Cashuurta sharci darada ee ay qaadaan Sidoo kale lama garanayo warna lagama hayo waxa ay ku qabtaan Kharashaadka ka soo gala Cashuurta darada ah . Waxaase hubaala hadii ay sii socoto Cashuurta Sharci Darada ah ee Magaca Rugta Ganasiga Warshadaha iyo Beeraha lagu qaadaa in ay Abuurmi doonaan kooxo kale oo Magacyo kale Cashuur Sharci Daro ah ku qaataa oo Gobolada Dalka ka samaysma hadii aanay Hay,adaha ku shaqada leh ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Xakamaynin Cashuurta Sharci Darada ah iyagoo talaabo adag oo sharciga waafaqsana ka qaadaya Gudidan iyo Maamulkan Xalaashatay in ay Urursadaan Cashuurta Sharci Darada ah ee Magaalada Wajaale .
WAJAALE STAFF TOG WAJAALE OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|