Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha U Gudbiyay Maxkamadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha U Gudbiyay Maxkamadda.
April 14, 2016 - Written by Editor:

War-saxaafaddeed: Maxkamadda oo furtay Baadhista Dacwad ka dhan ah wasiirka Arrimaha   Gudaha

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu Bahda Garsoorka uga mahadnaqayaa inay Ururka ka aqbaleen isla markaana u fureen manta oo ay bishu tahay 14/04/2016-ka Dacwad ka dhan ah wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed warancade, kaasoo Qafaalasho iyo Garaacis sharci darro kula kacay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo Maxkamadda u gudbiyey cabashadiisa toddobaadkan taasoo dhibtu ku dhacday 26/03/2016-kii.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo u taagan Horumarinta iyo Difaacida Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ka codsanayaa Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda (CID)-da inay si deg deg ah baadhista danbigaasi u gasho iyagoo Tixgalinaya cabashada Dhibane Wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale ku celinayaa inay canbaaraynayaan fal kasta oo ka baxsan nidaamka Dawladeed oo ay masuuliyiintu kula kacaan Wariyayaasha Dalka, iyadoo dhinaca kale aanu Ururku ku taageerayn bahda Saxaafadda danbiyada ka baxsan Anshaxa Saxaafadda.

Ururka SOLJA waxa uu gacanta ku hayaa Dacwado farabadan oo ka dhan ah Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, sidaas daraadeed waxa uu Ururka Garsoorka ka dalbanayaa inay Cadaaladda mariyaan Dacwadaha iska soo horjeeda ee horyaala.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa inay Madaxda Somaliland iyo Muwaadiniintu u siman yihiin sharciga, isla markaana cidii ku xad-gudubta inay awooda Dalka gacanta ku qaataan iyagoon ixtiraamayn xuquuqaadka Aas aasiga ah ee Dadweynaha inay soo bandhigi doonaan Suxufiyiinta Somaliland ee xilka culus u haya Qaranku.

Ururka SOLJA waxa uu dhamaan Suxufiyiinta ugu baaqayaa inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Milgaha ay leedahay Mihnada Saxaafaddu, taasoo sida Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba damaanad qaadeen jiritaankkeeda iyo Karaamadeeda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu Xukuumadda ugu baaqaya inay sii wado wax kasta oo caqabad ku keeni kara wadashaqaynta Saxaafadda iyo Hay’addaha Qaranka, iyadoo maalmahan danbe ay soo baxayaan in ay debecsanaan ku keenin masuuliyiinta uu Qaranku u igmaday hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin Suxufiyiinta iyo Bahda Saxaafadda ba.

Ururka SOLJA waxa uu masuuliyiinta ugu baaqayaa inaanay suxufiyiinta xidhan iyagoo aan u marin siffo sharci darro ah isla markaana ay tixgaliyaan go’aamadii ka soo baxay kulankii ay wadayeesheen Saxaafadda, Garsoorka iyo masuuliyiinta Amnigu.

 

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

 

COMMENTS
LINKS