Toga Wajaale Oo Ku Fatahay Magaalada Iyo Daweynaha Reer Wajaale oo ay Cabsi Wayni Soo Foodsaartay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Toga Wajaale Oo Ku Fatahay Magaalada Iyo Daweynaha Reer Wajaale oo ay Cabsi Wayni Soo Foodsaartay
April 6, 2016 - Written by Editor:

Tog -Wajaale(wajaalenews)Toga Kala Qaybiya Magaala xuduudeeda Wajaale ayaa ku Fatahay qaybo ka tirsan magaalada ka dib markii ay  buux dhaafiyeen daadad ka soo rogmaday magaalooyinka lafa ciise,Jaare,Xero geel iyo deegano  kale oo ku yaal dalka  aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu soo maro Togan Kala Qaybiya Labada Dal ee Somaliland Iyo Ethiopia oo  uu maalmahan u danbeeyay ka curtay roobabka Gu,aga.

fatahaadan toga Wajaale ayaa ayaa sobobay khasaare isugu Jira dad iyo duunyaba isaga oo  qaaday guryo badan oo uu ka mid yahay guriga laanta socdaalka Somaliland, oo ka mid ah guryaha ku teedsan toga, halka sida wararka aanu ka helayno magaaladaas tibaaxayaan in laga badbaadiyay laba qof oo uu qaaday dooxaasi balse gurmad ka bacdi lagu guulaystay in la badbaadiyo.

Cabsi laxaadle ayaa soo food saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada wajaale gaar ahaan kuwa ka ag dagan hareeraha Toga oo khatar ugu jira in uu la tago daadadka soo rogmada xiliyada Guga,dadweynaha ku dhaqan magaala ganacsiyeedka wajaale ayaa si aan taxader lahayn u dhex dega gudaha Toga iyaga oo aan u aabo yeelin khatarta ku gadaaman Toga wajaale sidoo kale maamulka Wajaale ayaan wax qorshe ah ama nidaam loo dago aan uga qorshayn togan.

Dhinaca Kale dooxa Degmada Dila ee Gobolka Awdal ayaa galabta fatahay iyada oo uu gaystay khasaaraha dhimashada 5 ruux halka ay 5 kalana dhaawacooga la keenay  Isbitaalka magaalada Boorama sidoo kalana lalaayahay 11 ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigeen Sida ay noo sheegeen dad deegaankaas ah oo nala soo xidhiihday.

Roobabka Gu,ga ayaa maalmahan u danbeeyay ka curtay guud ahaan gobolada Somaliland oo ay abaar ba,ani ku dhufatay iyada oo ay ku diirsadeen curashadan raxmaadka Eebe Dad ka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland

COMMENTS
LINKS