|
|||||
WAJAALE NEWS
Sodon Jir Sadqeeyay Milgihii Iyo Sumcadii Suxufinimo Ee Uu Ku Lahaa Bulshada Somaliland Dhexdeeda
April 11, 2016 - Written by Editor:Ma ogtahay siciidow Runtu in ay sadwayntahay Saxansaxo udgoontahay Warka subag u yeeshoo Sixin iyo baruur tahay Suuq gayna noqotoo Sumcadeeddu badan tahay Beentuna siniintoo Siifadeedu kulushahay Maansadii Saldhigii Aqoonta Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Waa sadaro hufan oo si saxa farta ugu fiiqi doonta Wariye Terra oo ah Sodon jir gawracay milgihii iyo sumcadii suxufinimo ee uu ku lahaa bulshada S/land dhexdeeda wariye ku sumoobay sunta qabyaalada maskaxdiisa iyo maankiisuna la jiran yihiin xanuunka qabyaalada wariye qaladka saacida samahana ku caarooda wariye u soo banbaxay in uu dhiriq ku saydhiyo, xaqiro. ama xajiimeeyo Wasiir Aqoonyahana ,Waxqabad badan ,Daacada, Karti badan, Samo talisa, Wasiir Caqli lagu hogaamiyo iyo Curinba leh, Wasiir aan la qarin karin waxqabadkiisa Wasiir bulshada S/land ka marag kacayaan cadaaladiisa, daacadnimadiisa iyo horomarka balaadhan ee uu ku talaabsaday mudo shan sano ah uu wasiirka duulista iyo hawada ahaa , Wasiir aan qormo kaliya lagu soo koobi karin baalasha dahabka ah ee ku xardhan Sooyaalka Siyaasadeed ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi . araartasi halkaa ha joogtee aan Qalinka idinku wareejiyo dood wadaag dhex mari doonta Gadh madoobayaashii Murti dhaadhiga ahaa ee[Qodaal joog iyo Qurba joog ] iyagoo falanqayn doona Weedhahan Turbaaxanta badan ee Wariye Terra ku gawracay milgihii iyo sumcadii suxufinimo ee uu bulshada S/land dhexdeeda ku lahaa . Qurba joog : Ma aragtay wariyihii da’ada yaraa ee Terra Weedhaha turxaanta badan ee uu ka soo baahiyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ? Qodaal joog : War lama yidhaahdee haa waan arkay heesihii iyo weedhihii maqalka iyo aragaba u daraa waxaana wariye Terra ka raaci doonta dhagxumo diiwaanka taariikhda lagu xusi doono . Qurba joog : Waa wariye firfircoon oo da’adiisu Sodon gaadhine maxaad ku haysataa ? Qodaal joog : Afku kuma go’o wariye C/risaaq Terra haday sodon jir da’adiisu gaadhin waxaan u malaynayaa in uu iskuul qabyaalada lagu dhigto ka soo baxay . Qurba joog : Horta inan yari intuu ood ka boodo ayuu talo ka boodaaye, arin wayn ayaad sheegtee ma dheeli tirnayn waxan uu baahiyay Wariye Terra sobobtoo ah mar kaliya wasiirkaa wanaagiisa ma sheegin isaguse ma dhaliishuun arkaa mise xumaantuunbuu maqlaa maxaa wanaaga ka qariyay ilayn taariikhda uu ka sheekaynayo inan yarbuu ahaaye . Qodaal joog : Hadaad I fahantay waa arday Aqoontisii iyo Dadnimadiisii ay ka awood badatay Qabyaaladu . Qurba joog : Wariyahani Hogaamiyayaasha Siyaasada S/land weedhahan turxaanta badan ma kawada simaa mise qaarbaa la wanaagsan uu Sacabka u tumaa ? Qodaal joog: Maya Wariye Terra kama wada simo waadhahan turxaanta badan ee Heesaha lagu soo kabay dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada ee waxa la wanaagsan kuwa ugu dhaliisha badan ee Shacabkii soo doortay ku hungoobeen walibana damaca kursiga Madaxwaynaha leh. Qurba joog : Waa kuma Wariyaha wanaagsan ee dalka iyo dadkaba si daacada ah ugu shaqeeyaa waajibkiisana u guta isagoo ilaalinaya milgaha iyo sumcada uu ku dhex leeyahay warbaahinta xorta ah iyo bulshada S/land dhexdeeda ? Qodaal joog : Waxaa hubaala in Wariyaha ama Suxufiga uu ka sareeyo Abwaanku miyaanu ALLE ha u naxariistee C/laahi Suldaan odhan [ Suxufiyiinta dhawaaqda anigaa u sareeya ] miyaanad se dhugan maansada[ Saldhigii Aqoonta ] oo wacdi iyo waanoba ugu filan wariyayaasha mihnada saxaafada ku hawlan . Qurba joog : Murtida maansadani xambaarsantahay wax iiga sheeg . Qodaal joog : Maansadan waxaa la yidhaa [Saldhiga Aqoonta] sida magaceeda ka muuqatana waxay tilmaamaysaa hab dhaqanka suxufiga wanaagsan ee dalka iyo dadkaba daacadnimo ugu shaqeeya hadaba si ay dhalinta mihnada saxaafada ku hawlani uga faa”iidaystaan waa tan maansadii .
Ma ogtahay siciidow Saxaafadi in ay tahay Saldhigii aqoontoo Tabintuna sir leedahay Ma ogtahay siciidow Suxufigii hogaansami Sabaduu ku noolyahay Saamayn ku leedahay Bulsho waynta sixi karo Cadaaladiyo sinaantiyo Samahana ka talin karo Nabadana ku sugi karo Ma ogtahay siciidow Suxufigii hogaansami Sooma jeesto weeyoo Socodkana ma daaloo Sahanbuu galaayuu Warar sugan ku keenaa Saadaasha gaarka ah Suuraynta faalada Sobobaynta kama tago Qurba joog: Murtida maansadani xambaarsantahay ayaa waano iyo wacdiba ugu filane sharciga iyo xeerarka warbaahinta waxba mayna ka tilmaamin ? Qodaal joog : Haa waxay si faahfaahsan u sheegtaa in sagaashan qodob warbaahinta u sees tahay waxaana ka mid ah . Ma ogtahay siciidow In sagaashan qodoboo Warbaahinta u seesoo Salka loo goglaa jiro Saajinkii qoraalkow Yuu kula sabaynine Suryo weeyi adagee Surinkeeda haba galin Suubanaanta dhaqankana Soohdintiisa dhawroo Sodohaha ha faalayn Inkastoon saboolnahay Waajibaa ku saarane Haku raadin sooryoo Sii jeedka haku tabin Haka suulin garashada Dulmigana ha saacidin Haku galin dir soociyo Safashada qabiilkiyo Sunta qaranka dumisiyo Silbashada habawgiyo Ka ilaali silitada Saamigaaga garashada Yuu safiihu maamulin Qurba joog : Waxaa hubaal ah in waanada Abwaanka uu sideeda u qaadan doono Wariye C/risaaq Terra hadii ALLE yidhaa [Nin ay habari dhashay hal ma seegi waayee ] Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land Tell:0634669910 Related posts:Dybala Oo Fariin u Diray Kooxaha La Filayo Inay Isku Wajihi Doonaan Wareega 16-ka Ee Champions Leagu... Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2021 & Niyad-jabkii Ingiriiska Ee 55ka Sannadood Oo Wali Sii... Deg Deg] :- Daawo-Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadley Muranka Ka Soo Cusboonaadey Golaha Wakiilada , Ku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|