Qoyska Boqortooyada UK Oo Booqasho Ku Tegaya India Iyo BollyWoodka Oo Soo Dhawayntooda U Soo Xulay Shahrukh Khan iyo Aishwarya Rai, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoyska Boqortooyada UK Oo Booqasho Ku Tegaya India Iyo BollyWoodka Oo Soo Dhawayntooda U Soo Xulay Shahrukh Khan iyo Aishwarya Rai,
April 3, 2016 - Written by Editor:

SHAHRUB

New Delhi(W.N): Bollywood Mantra, ayaa baahiyay in Jilaayaasha kala ah Shahrukh Khan iyo Aishwarya Rai loo xilsaaray ineey soo dhaweeyeen qoyska Boqortooyada UK Amiir William iyo xaaskiisa Kate, kuwaasoo maalmaha nagu soo aadan booqasho ku tegi doona markii ugu horeeysay dalka India.

Soo dhaweynta Qoyskan ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxaa loo xilsaaray labada jilaa ee ugu magaca dheer Bollywoodka.

Bollywood Mantra, ayaa sidoo kale daabacay in Aishwarya iyo Shahrukh Khan, ay yihiin jilaayaal caan ka ah dunida, sidaas darteedna loogu xushay ineey iyaga soo dhaweeyaan Amiir William iyo xaaskiisa Kate.

1452257061-5213e39aad7a91d0eb2f20be29904e1c-600x364 1452257871-78059864a9be093620623f6c7186dffc-600x370  The-Duke-And-Duchess-Of-Cambridge-Tour-Australia-And-New-Zealand-Day-10

Waxaa xusid mudan in Amiir William iyo xaaskiisa Kate ay booqan doonaan Hotelka “Taaj Mahal”, kaasoo 2008 bishii November 29keedi ay weerareen kooxo argagixiso ah.

Sidoo kale qoyskan ayaa booqan doona dhismaha “Taaj Mahal”, oo kamid ah 7 waxyaabood ee dunidan ugu yaabka badan, waxayna amiir William u noqon doontaa xasuus gaar ah, maadaama hooyadiis Amiirad Diana ay booqatay 1992-dii.

Wajaale News Desk.

 

COMMENTS
LINKS