Murugo Aan Maaro Loo Raadin ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murugo Aan Maaro Loo Raadin !
April 18, 2016 - Written by Editor:

Walbahaarka iyo welwelku waa mid  guri kasta u ah wehel , aabbo iyo hooyo waliba wadnaha iyo farta ayay isku hayaan. Waxa ugu badan ee maankooda ka guuxayaa waa waydiimo aanay u hayn jawaab sugan iyo wakhti go’an,  haddii ay hurdaan iyo haddii ay hawl maalmeedkooda ku jiraan ba beerkoodu wuu babanayaa, kashoodu wey nugushay, tiiraanyada iyo murugada ay qabaan waa mid u qarsoon, fikir iyo talanku waa kuwo ku hirdamaya. Tilifoonkii ku soo dhacaba wadnahoodu sidii ceel wadaan lagu tuuray buu hoos u dhacaa, fadhiga way ka hinqadaan, hurdada wey ka salaalaan, salaadana wey ka sahwiyaan. Afkoodu hadalkii wuu gabay, tallo meel ay ka dayaan ma hayaan, arrintooduna waa kugu ciirtay ee xageed u ciirsataa!

Marka ay xaaladahaas oo dhan dariska la yihiin waa xiligay soo gaadheen indha doogsigii ubadkooda, waana wakhtigay isu diyaarinayeen inay gurtaan midhihii ay gu’yaal iyo gu’yaal ku soo tabcayeen.  Murugadoodu mar ba marka ka dabaysa xawli ayay sare ugu kacdaa waxaanay sii xoogaysataa marka  ubadkoodu gaadho waxbarasho sare. Dhibta iyo tiiraanyadaas ku kaliyaystay waalidiintu, maaha midkii ay madiga ku noqon lahaayeen,  balse waxa urugadaas baday waa aafo qaran. Qarankuna wuxuu ka unkamaa waa qof, qoys, dabadeed qaran, intaasna xoogooda iyo hantidoodu waa dhalinyarada, bulshana jiritaankeeda waxa bud-dhig iyo kama kacdo u ah xooga ubaxa u dilaacaya, qaranimada waaraysana waxa laga sahanshaa waa magoolkooda oo  dhalinta ah. Kuwaas na waxa idlaysay aafada tahriibta, halaagaas tahriibtana marka aad dhuuxdo waxa muuqata inaan loo fahmin in ay tahay masiibo qaran, balse waxaynu ula macaamil naa inay tahay aafo qoys, warwarkeediina wuxuu dishooday waalidiinta, waalidkii laga tahriibay xanuunkii iyo weydiintii ahayd goorma ayay kaa tahriibi ubadku taabtay, waalidkii aanu weli ilmihiisu tahriibina waxa dishootay  goorma ayay dhaqaajin doonaan? Intaas ba ta ka xanuunka iyo dhibta culusi waa is  weydiin la’aan ? Waa danayn la’aan? Waa dareen la’aan waa qorshe la’aan?  Waa xisaabtan la’aan?  Damiirkii iyo aayihii dhalintu wuxuu u muuqdaa gabal dhac sidii cadceed godkeedii ku caraabaysa, wali ma hayno qorshe qaran oo aafadaas ku wajahan, marka aan leeyahay qaran maaha xukuumada talada haysa oo kaliya se ma hayno xataa dareen  muuqada oo  asxaabteena siyaasiga ahi ay aafadaas ku dareemayaan waana mida  baasiinka ku sii shubaysa laabihii holcayay ee werwer la noolka ahaa, sida oo kale waa ta keensanaysa quusta ah inay qaar kale aafadaas lagu hoobtay sii haybsadaan.  Xal inooma noqonayso in aynu ku koobsano tacsida maalintaas iyo ka sheekayntooda, balse waxa aynu u baahanahay in la helo jawaabo aafadaas ku  wajahan. Haddii intii hore tahriib inagaga dhimatay aynu ilawnay, looma baahna in aynu daawano in ay dhalin dambe inagaga dhimato, waa in aynu guntanaa, xukuumada mudada u hadhay xil baa ka saraan in ay arrintaas si adag u gasho si loo helo wadooyinka aynu xalka u mari karno, waxaana haboon in la yagleelo waaxda ka hortaga aafadda tahriibta .  aqoonyahankana xil baa saraan ah inay xukuumada ku hogaanshaan xalka aafadaas, xisbiyada mucaaridkana xil baa ka saraan ah in ay keenaan qorshe qaran oo laga wada dheefi karo haddii ay talada ku guulaystaan iyo haddii ay ku guulaysan waayaan ba. Waxaan ku soo afmeeri lahaa haddii aynu qaranimo waarta doonayno aynu dhalinteena jid iyo jiho u saarno haddii kale qulqulka dhalinta dhimanaysaa wuxuu ina dhaxal siin doonaa in aynu gabaahiir ka istaagno qaranimadeena!

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

COMMENTS
LINKS