|
|||||
WAJAALE NEWS
Mukhalas Laga Eryay Cashuurta Badeecadaha(Kaargooga) Ee Laga Soo Dajiyo Madaarka Oo Ka Been Abuurey Shirkada Telesom iyo Masuulyiinta Kastamka
April 6, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Mid kamid ah Mukhalasiinta Kastamka Madaarka Caasimada oo ka tagey Shaqada ayaa warar been abuur ah ka sameeyay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom iyo Maamulka Kastamka Madaarka kadib markii uu Qeybo kamid ah Warbaahinta mariyay in lacago ay musuqeen Maamulka Kastamku iyo talyaha ciidanka tulba taariyada isuguna gudbiyeen adeega Shirkada Telesom ee zaad taas, oo aanu cadeynteeda soo bandhigin haseyeeshee, uu ku sheegay in uu ka daabacdey Shirkada Telesom. Warar xogogaal ah oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ka heshay qaar kamid ah Ganacsatada Agabka Kaargooga ah kala soo Dega Madaarka Caasimada Hargeysa ayaa, iftiimiyey in Wararka laga baahiyay Maamulka Kastamka Madaarku ka dambeysay kadib markii mid kamid ah Ganacsatada agabka kala soo dega shaqada ka fadhiisiyay Mustafe Cabdilaahi Yaasiin(ina guun) mukhalaska u cashuura alaabta kaas oo shaqo ka fadhiisintiisa u nisbeeyay in ay qeyb ka yihiin Maamulka Kastamka Madaarka Caasimadu oo ay madmadow badani u dhexeeyay islamarkaana, ka badheedhay warar been abuur ah oo uu u dhex mariyay qaar kamid ah Warbaahinta Ayaa horte looga soo eryay madaarka Berbera kadib markii uu xiligaana cadaystay isku dirka ganacsatada iyo masuuliyiinta madaarka. isagoo markastana adeegsada arimo aanu, cadayntoodii aan laga haynin. “Horta majirto habayaraatee waxyaabaha lagu soo qorey Wargeyska Waaheen ee lacagta la isugu direy Zaad waa been cad hadii taasi cadeynteedii jirto waxa laga heli lahaa Shirkada Telesom shirkada laf ahaanteeda ayay sumacad xumo ku noqoneysaa markaa moobilkaaga waa lagaaga daabici karaa hadii muran yimaado kuma hayno warka uu qorey mukhalaskan hada shaqada laga fadhiisiyay ee ina Guun waa mid caado u aheyd oo uu hore u sameeyay taas oo xilka lagaga qaadey maamulihii hore ee Kastamka Madaarka fadeexada noocan oo kale ahi hadey mar kuu hirgasho waxa laga yaabaa in ay marka dambe noloshaada iyo ku dhex jirka bulshada iyo shaqadaadaba galaafato,oo la iska kaa illaaliyo waayo waxeynu nahey umad islaam ah beenta intaa leegina ma wanaagsana,hadaanu ganacsatada nahey xogogaalna aheyn waanu ka xumaanay xaqiiqdiina waa cadho ka kacdey shaqada uu ka fadhiisiyey ganacsadihii uu shaqeyn jirey taasuunbuuna u qaatey in ay ku lug lahaayeen Maamulka Kastamka oo beryo dhaweyd ku haystey alaabo la qariyay”Sidaa waxa yidhi Maxamed Cali oo kamid ah Ganacsatada Tog-Wajaale ee alaabta kaargoogu uga soo degto Madaarka Caasimada Hargeysa. Masuulyiinta sare ee Wasaarada Maaliyada ayaa dhinacooda dacwad uga gudbiyay Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Warbaahinta baahisey Warkan been abuurka ah iyadoo uu saamayn ku yeeshay Mukhalaska qeybta ka ahaa been abuurkan.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|