Muj Cali Guray Oo Si Cilmiyaysan Uga Jawaabay Eedo Uu faysal Cali Waraabe Kula Dul Galgashay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Si Cilmiyaysan Uga Jawaabay Eedo Uu faysal Cali Waraabe Kula Dul Galgashay,
April 19, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Siyaasigga Cali Yuusuf (Cali-Gurray) oo  ah Gudoomiye kuxigeenka 3aad Xisbiga Ucid ayaa sheegay in uu isagu marba heshiis la yahay Jamaal Iyo Faysal Ka dulman oo hadii ay labadoodu heshiis yihiin isna heshiis la yahay labada waxa uu sidaa ku sheegay muj.Cali Guray Qoraal uu Soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaanu u dhignaa sidan:

‘Wow hadii Faysal iyo Jamaal is ogol yihiin Anigana labadaba waanu is ogol nahaye ha ka baqanina. Hadii Aanay is ogolayn waxan u kala raacayaa sida ay u kala gar leeyihiin. Ka laga gardaran yahay ee dulman baan u hiilin ka gardaran ee wax dulmayana waan ka hiilin waana sidii NNKH eh rasuul keenu ina faray(U HIILI WALAALKAA HADII LAGA GARDARAN YAHAY IYO HADUU GARDARAN YAHAYBA).

 Danta UCIDna waxay ku jirtaa midnimada UCID oo iyaduna ku jirta in danta Xisbiga laga wada horaysiiyo danaha gaarka ah. Taas shakhsiga mar walba ogolaa hadana ogoli aniga yahay

COMMENTS
LINKS