|
|||||
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Si Adag Ula Hadlay Qaarkamida Warbaahinta “Beenlow Falalow”
April 24, 2016 - Written by Editor:Website yada Weli Dhawrsan Ee Wararkooda Lagu kalsoonaan karo Ee faro ku Tiriska ah Waxan kula Talin lahaa in ay Iska Ilaaliyaan kuwa War Xumo Tashiilka ah, Cali Guray. Muj cali guray ayaa si adag uga hadlay warbaahinta qaar oo uu ku tilmaamay in ay caadaysteen faafinta wararka beenta kuwaasi oo aan loo meel dayin hadaba cali guray oo qaraalkooban soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebook wuxu dhignaa sidan; “Saxaafadi dhimatay looga qaateenku wuu ku yar yahay. Waxa cajiib ah iyagii baa noqday News Maker markaa uma baahna inay war sax ah doontaan. Anigu maba jecli in beentooda laga jawaabo oo la wadwado oy sheeko inoo noqoto waayo malaha waaba inta ay rabaan. Mar hadii ay sheegaan base aanay sheegin cid ay ka soo xigteen iyo cid ay waraysteen iyo meel ay u food saaraan midna ku qor qalin beensal si aad hadhow isaga masixi kartid. Website yada weli dhawrsan ee wararkooda lagu kalsoonaan karo ee faro ku tiriska ah waxan kula talin lahaa in ay iska ilaaliyaan kuwa war xumo tashiilka ah si ay sumcadooda u ilaaliyaan warkoodana loo qaadan karo. Iskaba daa website yada eh beryahan waxa Facebookga laftiisa ku soo badanaya dad been sameeya dabadeed qaar kale share yidhaahdaan oo marka beentii ay sameeyeen la wareejiyo gaadha ilaa heer ay iyagii sameeyay rumaystaan. Kuwaa laftooda waa in laga feejignaado waxay weliba ku fiican yihiin saaxiib fur iyaga iyo kuwa warkooda beenta ah suuqa u sameeya ee baraha bulshada ku fidiya. ILAAHAY INTA UU NECEB YAHAY BEENAALAHA AYUU UGU SII NECEB YAHAY. Soomaaliduna siyaasadii ayaabay ku fasireen inay been iyo khiyaamo tahay taas oo micnaheedu yahay sida loo kala been iyo khiyaamo badan yahay ayaa loo kala siyaasisan yahay. Taas oo anigu aan gebi ahaanba ka soo horjeedo oo aanan marna qaadan karin kuna dhaqmi karin. Waxa aan been ku heli lahaa waxan ka jecelahay in aan run ku waayo. Sidaa daraadeed saaxiibayaal la qabsada aragtida cusub ee tafsiirkeeda wadata oo ka baydh siyaasadda aragti la’aanta ku caan baxday iyo tafsiirkeeda qaladka ah. Siyaasaddu maaha been iyo khiyaamo Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|