|
|||||
WAJAALE NEWS
Midawga Yurub Oo Ku Adkaysanaya Inay Dhimeen Musharahaadki Cidamada Nabad Ilaalinta U Jooga Somalia ,Kana Hadlay Sababta Ay U Joojiyeen.
April 28, 2016 - Written by Wariye:Muqdisho(WJN):Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’Urso ayaa ka hadlay sababaha Ciidamada AMISOM ay uga dhimeen 20% mushaarkii ay siin jireen Ciidamada AMISOM. Michele Cervone ayaa sheegay in horay ugu wargeliyeen Taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan Ciidamada AMISOM, isagoo xusay in lacagaha ay ku taageeraan Ciidamada AMISOM ay meelo kale u weecinayaan. Isagoo la hadlayay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa waxaa uu Amb. Michele Cervone ku sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, isla markaana sanad walba ku bixiyaan howl galka AMISOM $200 oo million oo dollar. Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhiso Ciidamada Soomaaliya, isagoo ka digay in aan si qaldan loo fasirin sababaha ay u dhimeen mushaarkii Ciidamada AMISOM. Askariga AMISOM ayaa qaadan doona $828, iyadoo dalkiisa ay ka goosaneyso $200, taasoo aheyd wax soo jireen ah. Mushaarka askariga AMISOM ayaa horay u ahaa lacag gaareysa illaa $1,000, waxaana horay la is weydiin jiray sababta askariga AMISOM lacag intaas la eg u qaadanayo. Dhinaca kale Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay inay raadinayaan ururo kale oo taageera AMISOM, sida Qaramada Midoobey inay bixiso lacagta AMISOM. AMISOM ayaa horay loogu eedeeyay in aanay wali wax horumar ah ka sameyn dagaalka Al-Shabaab, marka loo eego 10-sano oo ay joogeen Soomaaliya. Hargeisa Office Related posts:DAAWO; Xildhibaan Xasan Shahar Oo Madaxda Asxaabta Qaranka Ugu Baaqay In Ay Umidoobaan Xuska Maali... Daawo Xildhibaanadii Waday Mooshinka Ka Dhanka Ah Maayarka Oo Sheegay In Ayna Dooran Maayar Iyo Afha... Itoobiya Oo Noqotay Wadankii Ugu Horeeyey Ee Shacabka Somaliland ku Hambalyeeya Maalinta Qaranimadoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|