Maxkamadda Oo Mudaysay Dacwad Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwaddiisu Ku Oogeen Wargeyska Ogaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Oo Mudaysay Dacwad Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwaddiisu Ku Oogeen Wargeyska Ogaal.
April 17, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Xafiiska  Xeer Ilaalinta ayaa soo oogay dacwad ay madaxtooyadu dhibane ka tahay, halka eedaysanuhuna ka yahay wargeyska Ogaal, isla markaana waxay xeer ilaalintu dalbatay mudaynta dhegaysiga dacwaddaa. Sidaana waxa lagu cadeeyay xaashida eedda ee Xeer Ilaalintu ku soo oogtay wargeyska oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Ogaal.

Dacwadan oo ah mid loo adeegsanayo xeerka ciqaabta siday muujinayso warqadda eedaynta xeer ilaalintu soo oogtay oo ku taariikhaysan 15.12.2015 waxa dhibane ka ah, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwaddiisa Aamina Weris, eedaysanuhuna waa Gudoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir. Qoraalka dacwaddan Madaxtooyadu ku soo oogtay wargeyska Ogaalna waxay u dhigantay sidan;

“ Ku: Maxkamadda Gobolka Maroodijeex,

Xeer ilaaliyuhu markuu arkay gal dacwadeedka uu ku eedaysan yahay:

1.Muuse Jaambiir ina Deeqa Xuseen

 

Ujeedo: Xaashida Eedda Sida Waafaqsan Qod. 70,71,75 XHC.

Ku Eedaysan:-Waxa lagugu eedaynayaa dembiyada kala ah faafin warar been abuur ah aflagaado Madaxweyne iyo ceebayn marwadda koowaad ee dalka JSL ee ku xusan Qod. 328-269-452(3) Xeerka ciqaabta guud(X.C.G), sababtoo ah cadadkii wargeyska Ogaal ee 2608 ee 24.08. 2015 iyo cadadkii wargeyska ee 2611 ee 30.08.2015 waxaad faafisay warar been abuur ah oo aad ku aflagaadaynayso Madaxweynaha JSL muddane Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) kuna ceebaynayso marwadda Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirde, adigoo cadadka hore cinwaan uga dhigay xararrada berbera iyo Qayla Dhaanta Qorshaha marwooyinka awoodda ee dhaxalwareejinta haamaha kaydka shidaalka halka aad maqaalka kalena cinwaan uga dhigtay madaxweyne gurrigiisa laga dilayo ciddi ma badbaadin karto adigoo maqaaladdaada ku sheegay in haamaha lagu wareejinayo shirkad cusub oo la abuuray waxna ay ku leexiyeen Qoyska madaxweynuhu gaar ahaan marwadda oo aad sheegtay inay ka mid tahay haweenka loo tirinayo inay ugu awood badan yihiin taladda qaranka adigoo madaxweynahana ku sheegay Qof gurigiisa laga dilayo oo aan la badbaadin Karin waxaanad cadayn ku bixisay in aad masuul ka tahay maqaaladdaasi uu qoray wargeyska ogaal. oo aad gudoomiye ka tahay. Sidaasna waxaad ku gashay dembiga sare ku xusan,laguguna soo eedeeyay.

Dembigu wuxuu ka dhacay Hargeysa

Hadaba waxaanu Maxkamadda ka Codsanaynaa inay noo mudayso, noona cayinto goorta iyo wakhtiga la dhegaysan doono dacwadan, soona saarto talaabooyinka kale ee la xidhiidha dacwadan sida waafaqsan Qod: 75,79,80 XHC.

Markhaatiyada:-

1.Cabdi Xasan Cismaan……..Marag

 

  1. G/dhexe daahir muuse abraar…..Marag

 

3.Wargeyska Ogaal cadadkiisii 2608 ee 24.08.2015…..M/Muujin

 

4.Wargeyska Ogaal cadad 2611 ee 30.08.2015……M/Muujin

 

  1. Xaashida ay ku magacaabeen murtida caraale…..M/Muujin

 

FARXAAN MIRE CISMAAN

 

W/X/XEER ILAALIYAHA GUUD EE GOBOLKA M/JEEX”

 

F/gaar ah: Qoraalka warqadan waxaanu u soo dheeganay siday u qorayd ee Xeer Ilaalintu u soo dhigtay. Sidaa darteed akhriste haddii aad fahmi waydo qaab qoraalkeedda, waa siduu xafiiskii soo saaray u dhigay.

Dhanka kale Qareenadda wargeyska Ogaal ayaa sheegay in Maxkamadu mudaysay  dhegaysiga dacwadan 23. 04.2015.

COMMENTS
LINKS