Maxaa Kala Qabsaday Muuse Biixi Iyo Wariye waji? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Kala Qabsaday Muuse Biixi Iyo Wariye waji?
April 22, 2016 - Written by Editor:

Cabdinaasir Axmed Ibraahim (Qalin-maal)

Barqo kulul ayuu Maxamed Xasan Cali Waji nin suxufi ah ku yidhi “ Maanta halkeen u arsaaqad doonanaa?” Waji ayaa yidhi” Waxa aynu maanta u shaxaad tagaynaa halka ugu adag?    

“Oo waa halkee?” ayuu suxufigii ku yidhi Waji. Wajina wuxuu ku jawaabay “ Waxa aan u shaxaad tagaynaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi. “ Hayaal… waar aan Sheeko tagno ama hadal  aan doonano kuma odhan, lacag baan rabnaa, nin kaana cid wax ka sheeganaysa oo wax buu bixiyaaleh maan maqal…” Ayuu suxufigii yidhi.

Waji wuxuu ku hal-celiyay waynu ku soo quusan. La dhaqaaq oo xaruntii xisbiga la tag, nasiib wanaag waxa xafiiska fadhiya Guddoomiye Muuse Biixi, waxaana wehelinaysa gabadh aanan rabin inaan magac- dhabo oo haweenkii Kulmiye-nimadu madax martay kamid ahayd. Albaabkii ayay iska qabteen, Jiqiiqdii albaabka ayay Muuse iyo Gabadhu ba soo jalleeceen irridda, Mise waa ba laba nin oo caan ah oo aan midkoona looga baran imaatinka xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye.  Salaan diiran iyo kalgacaltoonyo iyo soo dhawayn xad dhaaf ah ayuu u muujiyay Muuse Biixi waxa aanu ku yidhi “ Ku soo dhawaada xarunta. Maxaan idiin qabtaa.”

Waji ayaa hadlay oo yidhi, “ Muuse Biixow waxa aan maanta kaaga soconnaa wax  aan lagaaga baran!”

“Oo maxay ahay wajow?” Ayuu Muuse yidhi.

Waji “ Deeq, wax bixin…” Muuuse Biixi ayaa wajiga ururiyay kadib na islaantii ayaa tidhi” Waar Muuse nin ku uu ku xujeeye ama is furo ama aan ku furto.” Maalintaa Muuse Biixi $ 200 ayuu bixiyay. Markii ay albaabka gaadheen lacagtiina gacanta ku dhigeen ayuu waji yidhi, “ MUUSOW IN AAD LACAG NA SIISAY MAQAAXIYAHA WAAN KA SHEEGI, WAXA AAN SE U MALAYNAYAA IN AAN DADKU RUMAYSAN DOONIN!”

COMMENTS
LINKS