“Masar, Naceyb Ay U Qabto Itoobiya, Somaliland Uma Soo Dhex Marin Karto, Oo Isku Dirkaa Waa Laga Gudbay..” Wasiir Cadami. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Masar, Naceyb Ay U Qabto Itoobiya, Somaliland Uma Soo Dhex Marin Karto, Oo Isku Dirkaa Waa Laga Gudbay..” Wasiir Cadami.
April 27, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa,(Wajaalenews) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Ciidamo la sheegay in Dawladda Masar u dhiseyso Dalka Soomaaliya iyo Xidhiidh Dawladdaasi la leedahay Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo u Warramay Warbaahinta Dawladda isla-markaana daba socda Wararka Warbaahinta guduhu ka qortay Wefti Masaari ah oo Laba Toddobaad ka hor Socdaal ku yimid Hargeysa, ayaa sheegay in Dawlad Cadow ku ah Itoobiya aanay Somaliland danaheeda u adeegsan karin.

Wasiir Cadami, waxa uu sheegay in laga soo gudbay Xilligii Dawladaha Cadowga ku ah Itoobiya adeegsan jireen Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, maaddaama oo ay hadda jiraan labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Markii la odhan jiray Soomaaliyaay cadawgaagu waa Itoobiya, ee Soomaaliya Iyo Itoobiya laga dhex shaqaysan jiray wuu soo dhammaaday, oo Maanta waxa jira laba dal oo la kala yidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya. “

Wasiirka oo difaacaya Xidbiidhka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay, “Somaliland iyo Itoobiya xidhiidkoodu wuu ka weyn yahay oo wuu ka qoto dheer yahay in Mid kale oo fidmo wada looga baqo. midna way jirtaa oo inta dunidu jirto Masar iyo Itoobiya xafiiltan wuu ka dhaxaynayaa oo waxaa sabab u ah Wabiga Niilka, laakiin Masar, Itoobiya nacayb ay u qabto Somaliland uma soo dhex marin karto oo isku dirkaa waa laga gudbay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo walaalo ah. Waa laba dal oo saaxiib ah, waa laba al oo dunida kale oo dhan iskaga dhow waa laba dad iyo dal oo isku damqada oo dan iyo deegaan wadaaga, Masarna looga baqan maayo in ay fidmo ka dhex hurin karto.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Ciidamo la sheegay in Masar u dhiseyso Soomaaliya, “haddii ay Soomaaliya Ciidan u dhisto oo ay hub ugu deeqdana waxaan u arkaa in aanay nasteex u ahayn ee ay dab isugu dhiibayso, sababtoo ah dawlad dhisan oo ciidan leh, ayaa hub loogu deeqaa, markaa hadday Soomaaliya wax u dan ah u qabanayso wax kale oo badan oo hub u dhaama ayay u baahan yihiin ee ha u qabato.”ayuu yidhi, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

 

 

COMMENTS
LINKS