Magacyada Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Ceel-biyood Ku Yaalla Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Ceel-biyood Ku Yaalla Hargeysa
April 13, 2016 - Written by Editor:

Aabaha Dhalay Mid Ka Mid ah Carruurta Ceelku Liqay Oo Dareenkiisa ka hadlay 

HARGAYSA(Wajaalenews) – Yuusuf Ibraahim oo 16 Jir ah iyo Ayaane Maxamuud oo 12 jir ah, ayaa ku Geeriyooday Ceel-biyood ku yaalla Xaafadda Boqol-jire ee Magaalada Hargeysa.

Geerida ayaa timid ka dib markii mid ka mid ah Carruurtu uu ku dhacay Ceelka, ka kalena isku dayey inuu ka soo saaro oo uu badbaadiyey.

Ceelkan oo ku yaalla Afka hore ee Laagta Biyaha ku soo shubta Ceel ku yaalla Xaafadda Jigjiga yar, ayaa ah mid kooban isla-markaana dharar ahaan aad hoos ugu qodan.

Axmed Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo ah Wiil dhallinyaro ah isla-markaana ku jiray Dadkii u soo horeeyay ee gaadha Ceelku markii uu Carruurta liqay, ayaa si kooban uga waramay sida wax u dhaceen, “Waxaan soo gaadhay iyadoo laga soo saarayo Labada Carruurta ah kii weynaa, iyadoo Naftu aanay ka wada bixin ee dhaqdhaqaaq yar leh, waxaanu Geeriyooday markii inyar uun la siday.” Ayuu yidhi.

Aabaha dhalay Marxuum Ayaanle Maxamuud oo ah Askari ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo isaguna la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in Geeridu xaq tahay isla-markaana Qofba sidii uu ILAAHAY ugu Talo-galay u dhimanayo, laakiin ay lagama maarmaan tahay in Xukuumaddu wax ka qabato Ceelka Carruurta liqay oo horena u liqay Carruur kale oo badan, “Waxaan Xukuumadda ka codsanayaa in la sameeyo sidii Ceelkaa looga oolin lahaa Carruuraha ku dhimanaya, Waayo? Xitaa waxa yimaadda Carruurta Daloodho.” Ayuu yidhi, Aabaha Dhalay Ayaanle Maxamuud oo ka mid ah Labada Carruurta ah ee ku dhintay Ceelkaasi.

Guddoomiyaha Xaafadda uu ku yaallo Ceelka Carruurta Liqay iyo Xubno kale oo ka hadlay Masiibada halkaa ka dhacday Shalay, ayaa iyaguna Xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto Ceelkaa iyo kuwa kale ee la midka ah, iyagoo sheegay in Ceelkan uu 30-kii Sannadood ee u dambeeyay uu liqay Carruur ka badan 50.

 

 

COMMENTS
LINKS