|
|||||
WAJAALE NEWS
Magacyada 9 Qof Oo Reer Somaliland Ah Oo Ka Badbaaday Doontii Dadka Badan Ku Halligmeen, Halka Ay Ku Sugan Yihiin Iyo Xukuumadda Oo Baadi-Dooneysa Intii Dhimatay
April 24, 2016 - Written by Editor:Wasiir ku-xigeen Xukuumaddu Xaqiiqo Raadin U Dirtay Oo La Kulmay Dhallinyarada Reer Somaliland Ee Badbaaday Athens, (Wajaalenews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirrada 9 Dhallinyaro ah oo ka mid ah Dhallinyaradii ka badbaaday Doontii Toddobaadkii hore ku degtay Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga, kuwaasi oo Markabkii badbaadiyey geeyay Dalka Giriigga. 9-ka Dhallinyarada ah oo ka mid ah 41 Qof oo ka soo hadhay Doonta ku degtay Masar iyo Talyaaniga dhexdooda oo ay ku dhinteen Dad Afar boqol kor u dhaafaya, ayaa waxa Dalka Giriigga kula kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Kayser Cabdillaahi Axmed oo Xukuumaddu halkaa ugu dirtay inuu ka war-doono Dadka Reer Somaliland ee Doontaa ku dhintay iyo kuwa ka badbaadeyba. War qoraal ah oo Xukuumaddu ku soo bandhigtay Dhallinyarada badbaaday, Magacyadooda iyo Sawirradooda isla-markaana Warbaahinta loo soo diray, ayaa lagu yidhi, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ka duulaysa Masuuliyadda ka saaran Muwaadiniinteeda meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, isla markaasna gudanaysa Waajibka ka saaran Muwaadiniintii Somaliland u dhashay ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay Doonidii kasoo baxday Dalka Masar ee ku Qarraqantay Badweynta Mediterranneanka, waxa ay Xukuumaddu Dalka Giriiga u dirtay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed waxaana uu la kulmay dadkii ka badbaaday Doonidaas oo tiradooda guud ay tahay 41 qof oo isugu jira Dad u dhashay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Xukuumadda Somaliland waxay halkan ku Xaqiijinaysaa in Dadka Somaliland u dhashay ee Shilka Doonida ka badbaaday ay yihiin Sagaal qof oo kaliya, kuwaasi oo kala ah:- No Magaca Magaca Hooyada 1 Cabdixakiim Xariir Cali Hooyadiina la yidhaa Hodan Xasan 2 Samatar Cilmi Cabdilaahi Hooyadiina la yidhaa Xamda Xuseen Cawaale 3 Muxiyadiin Xuseen Cali-waash Hooyadiina la yidhaa Hindisa Faarax 4 Cabdixakiim Abokor Diiriye Hooyadiina la yidhaa Xalwo Barre Xuseen 5 Khaalid Cumar Doodi Hooyadiina la yidhaa Nimco Xasan Yuusuf 6 Xamda Daahir Yuusuf Hooyadeedna la yidhaa Canab Caydiid 7 Najax Xuseen Maxamed Hooyadeedna la yidhaa Aamina Cabdi 8 Liibaan Khadar Jaamac (Shaani) Hooyadiina la yidhaa Shaadiya Haaruun 9 Axmed Farxaan Xasan Hooyadiina la yidhaa Safiya Cabdi Digaale Sagaalkaas qof ee reer Somaliland ee doonida ka badbaaday way nabadqabaan, waxanay imika ku sugan yihiin Caasimada Dalka Giriiga ee Athens. Waxaa Doonidan ku dhintay dad aad u tiro badan oo Somaliland u dhashay iyo kuwo aan u dhalan oo aan magacyadooda si rasmi ah weli loo helin, balse ay Xukuumaddu dedaal weyn ugu jirto in la helo, kuna hawlan yahay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo hada ku sugan Giriiga COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|