|
|||||
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNE GEELE OO JABUUTI KA MASTAAFURIYEY WERIYAYAAL BBC DA KA SOCDAY IYO BBC OO CODSI U QORTEY(AKHRI)
April 5, 2016 - Written by Editor:
Kooxdani, oo uu ka mid ahaa weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka ee Africa, Tomi Oladipo, ayaa Djibouti u tegay inay diyaariyaan warar la xiriira doorashooyinka halkaasi ka socda. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad u tartamaya jagada madaxweynaha Djibouti. Kooxdan ayaa waxaa fasaxay agaasimaha warbaahinta ee dalka Djibouti oo u oggolaaday inay ka soo warramaan dalkaasi, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay BBC-da. Kooxdan ayaa wareysi la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yusuf, iyo musharraxa mucaaradka, Cumar Cilmi Kheyre, kaddibna waxaa xiray rag ka tirsan ciidanka ammaanka oo xirnaa lebiska rayidka. Kooxdan ayaa habeenkii oo dhan la haystay, iyagoo aan loo oggolaanin inay wax xiriir ah sameeyaan, kaddibna, diyaarad ayaa la soo saaray oo dalka ayaa laga soo musaafuriyay, iyadoo aan loo sheegin sababta. Related posts:Maamulka Degmada Dilla Oo Ka Hadlay Jiritaanka Jabhad La Sheegay In Lagaga Dhawaaqay Bariga Dilla! Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiydeeyay Marxuum Cabdi Jaamac Xasan Oo Ku Geeriyooday Dalka Ing... “Waxaan Horseedi Doonaa Hadii Xilka Layga Qaado, In Aanan Ka Tagin Xisbiga Kulmiye Ee Aan Kasii Mid ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|