Madaxwayne Siilaanyo Oo Digrayto Aan Distoorka Waafaqsanayn Xilkii kaga Qaaday Wasiirkii Boosaha Iyo Taliyihii Ciidanka Xeebaha + Xogo fashiliyay Ujeedada Galaafatay Labadan Masuul. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Digrayto Aan Distoorka Waafaqsanayn Xilkii kaga Qaaday Wasiirkii Boosaha Iyo Taliyihii Ciidanka Xeebaha + Xogo fashiliyay Ujeedada Galaafatay Labadan Masuul.
April 29, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caawa soo saaray wareegto uu xilka kaga qadayo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Abgaal iyo taliyihii ciidanka xeebaha Adminral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) wareegtadan kasoo baxaday qasriga madaxtooyada ayaa gabi ahaanba ka aradnayd sifihii dawladnimo, ismarkaana aan waafaqsanayn distoorka somaliland oo dhigaya in marka masuulka xilka laga qaadayo loo adeegsado qodobo kamida dastuurka dalka oo faraya sobobta xilka looga qaaday iyo sidoo kale  in ogolaashana madaxwaynaha xilka ka qaadaya laftiisa ee xaga distoorka.

Sidoo kale digraytadan ayay ku qoran tahay ereyo ka baxsan anshaxa dawladnimo, si khaasana u abaaraya masuuliyiintan xilka laga qaaday oo ay ka muuqato in cadho iyo ujeedo kale ku lamaan tahay loona adeegsaday ereyo isku mid ah kana baxsan sifaha dawladnimo;

HALKAN KA AKHRI OO  DHUGO WEEDHAHA IYO CADHADA AY XAMBAARSAN YIHIIN.

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. halka taliyahana loo qoray intan in leeg,

 

 fool

Hadaba wararka ay helayso shabakada wararka ee wajaalenews.net ayaa  bedka soo dhigay ujeedada  Galaafatay wasiirkii hore ee boosaha iyo taliyihii ciidanka ilaalada  xeebaha

Xogahan ayaa xusay in xil ka qaadista masuuliyiintan ay  ka danbaysay kadib markii ogolaasho kaga yimid dhinaca madaxtooyada uu wasiirka boosaha iyo isgaadhsinta uu ogolaaday in dalka la keeno xadhiga Cable ee Fiber Optic internet ah oo ay wataan qaar ka mid ah ganacsata dalka

Dhanka  kale  xogahan ayaa  tibaaxaya in xadhigan internetka xambaara ee  Fiber Optic Cable kan la keenay bada magaalada Berbera kaasi oo markii ay ogaadeen ganacsadihii hore ee  kootada loogu xidhay  adeegan internetka ee bada la soo dhigo caadis badan iyo iskooxaysi  kadib  ay ku guulaysteen in xilka laga qaado wasiirkii boosaha iyo taliyaha ciidanka xeebaha oo isaga lagu qoonsaday sobobta uu talaabo uga qaadi waayay ama usoo war galin waayay MARKAB KA BEDA BERBERA SOO GAADHSIIYAY Xadhigan fibre optic cable oo xiligan ah mid hirgalay lana keenay dalka somaliland.

Si kastaba ha haatee adeegan xadhiga inyternetka la soo dhigo Bada berbera ee  Fiber Optic Cable ayaa hore loogu xidhay kooto Ganacsade maxamed aw siciid oo ah  muwaadin reer Somalilandna

bale arinta ayaa noqonaysa min ay soo dhaweeyaan muwaadiniin badan oo ku hawlanaa sidii loo sii xoojin lahaa tartanka ganacsiga xorta ah kaasi oo ay somaliland ku tahay caan,

 

 

COMMENTS
LINKS