Ma Dambiilayaalbaa Mise Waa Halyeeyo? Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dambiilayaalbaa Mise Waa Halyeeyo? Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)
April 18, 2016 - Written by Editor:

Marka Hore Inaa lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, Ilaahay Naxariistii Jano Ha ka Waraabiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday markabkii u jeeda dhinaca qaarada Yurub eek u qarqoomay badda, ehelkooda iyo qaraabadoodana ha siiyo samir iyo iimaan.

Waxa facebook-ga qariyay sawirada dhalinyaradii Alle ha u naxariistee ku geeriyooday badda iyagoo u tacabiraaya dhinaca Yurub, markaan u fiirsaday dadka arrintaasina ka hadlaayay, waxay u qaybsameen saddex qaybood:

  1. Qayb aad uga tiiraansanayd mashaqada dhacday, una ducaynaysay marxuumiinta.
  2. Qayb Dawlada iyo haayadeheeda kala duwan ku canaananaysay soo af-jarid la’aanta mushkilada tahriibka.
  3. Qayb dhacdadan dhacday cadayn uga dhiganaayay dhibaatada ay leedahay mushkilada tahriibku, dhalinta kale-na ka wacyigalinaayay inay masiirkaasoo kale ay yeeshaan.

Laakiin waxaan waayay qayb 4aad, taasaana igu kaliftay inaan qalinka u qaato inaan wax ka qoro, laakiin marka hore afeef, Ilaahay mahadii dhamaan ehelkayga maashaa Allaah ma garanaayo cid in uun tahriib naga gashay hadda iyo goor hore toona.

Qaybta 4aad waa qayb ku hadlaysa magaca marxuumiinta, oo isku dayaysa inay ka turjunto dareenkoodu sidoo ahaa, waana ta aan isku dayi doono, in aan ku hadlo afka mid ka mid ah marxuumiinta haddii uu soo noolaan lahaa oo uu daawan lahaa qoraalada facebook-ga.

“Magacaygu waa qawdhan waxaan ku dhashay kuna barbaaray dalka, waxna ku bartay, laakiin markaan iskuulkii dhameeyay waxaan arkay in nolosha dalkeena taallaa ay boqolkiiba boqol ka duwan tahay ta aanu ku dhigan jirnay iskuulada,

Iskuulka waxa la nagu baray qiimaha ay leedahay in wadanka la joogo, suuqana waxaan ku arkay in cid kasta oo awood u yeelatay inay wadanka ka baxdo aanay habeen sii joogin.

Iskuulka waxa la nagu baray in qiimaha qofku uu yahay in leeg inta uu aqoon leeyahay, suuqana waxaan ka arkay in qofka shilin haystaa uu shilin la qiimo yahay, qofka boqol shilin haystaana uu boqol shilin la qiimo yahay.

Hadalka hadaan kuu soo koobo iskuulka waxa la nagu baray iyo waxa aan suuqa ku arkay way kala duwan yihiin, markaa maxaa xaqiiqada la noogu sheegi waayay???

Markaan arkay waxa suuqa dalkeena ka jira ayaan go’aansaday in aan tacabiro, si aan naftayda iyo dalkaygaba u anfaco, waxa aanad igula yaabayn waxay tahay, marka aan arkay arrimahan:

  1. in aan awood u yeelan doono in aan dalkayga ku anfaco maal aan qurbaha uga soo diro.
  2. in aan awood u yeelan doono in aan anfaco qadiyada aqoonsiga dalkayga, anigoo ku biiraaya qurba joogta dabda ka riixaysa hawsha ictiraaf-raadinta.
  3. in aan noqon karo maalin maalmaha ka mid ah siyaasi magac weyn ku leh dalka oo dalkeena si fiican ugu adeega, maadaama boqolkiiba toddobaatan dhamaan siyaasiyiinta dalkeenu ay yihiin kuwo baasabooro ajaanib ah haysta.

Arrimahaasi iyo in ka badan ayaan u tacabiray, si aan u xaqiijiyo, markaa miyaan ku saxanahay mise waan ku qaldan yahay?

Sidoo kale su’aal kale oo muhiim ah aan ku waydiiyo, haddii lacala aan ku guulaysan lahaa isku-dayga tacabirkaygan oo aanay doontu ila qarqoonteen, ma isku si ayaad ii arki lahayd mise markaa maqaam kale ayaad I saari lahayd?

Laakiin su’aashu waxay tahay anigu waa anigii uun, maxaad dal dibadeed aan tagay aad iigu qiimaynaysaa oo aad iigu qiimayn la’dahay shakhsiyadayda?

Anigu naftayda iyo xaalkayga ayaan ka waramay, oo adiga ayey kuu taallaa inaad ii aqoonsatid dambiile ama halyeey??????????”

Bulshada Somaliland waxaan ka codsanayaa in aynu si caqliyan ah u qiimayno mashaakilka si xal fiican aynu ugu helno, laakiin mushkilada ugu weyn waxay tahay in aanan anigu shakhsiyan garanayn waxay mushkiladu tahay ee u baahan xal:

  1. haddii mushkiladu tahay dhalinyarada fuulaayo doonyo jilicsan oo la qarqoomaaya xalka wuu fudud yahay aynu ka fikirno qaabkii aynu safarka ugu fudaydin lahayn, oo safarka uma joojin karno qaar ka mid ah shacabka ayaa wax ku noqday, sida aynaan u joojin karin safarka gawaadhida innagoo og inay shilal door ah ay ka dhacaan dalkeena.
  2. haddii ay mushkiladu tahay kaliya dhalinyaradan ka baxaysa dalka, xalku wuu fudud yahay oo wuxuu noqonayaa in xuduudada dalka la adkeeyo si weyna loo xidho.
  3. haddii ay mushkiladu tahay lacagta faraha badan ee inagaga baxaysa tacabirka, aynu samayno qaab aynu lacagtaasi u madhxin lahayn, innagoo isticmaalayna dhamaan awoodeheena kala duwan.
  4. Haddii laakiin mushkiladu ay tahay waxa dhalinyarada ku kalifaaya inay dalka ka baxaan, taasi hadaba waa mid iyaduna xalkeedu fudud yahay laakiin waxay u baahan tahay go’aan aad u adag, oo ay aad u yartahay dawladaha iyo dadka qaataa, go’aankaasina waa (RUNTA).

Qodobka 4aad ayaan jecelahay inuu hadalkeenu iyo doodeenu ku saabsanaado, kaasoo ay dhalanayso rajo-abuur iyo horumarka dalkeena aynu jecelnahay ee Somalialnd, iyadoo tallaabada ugu horraysa ee jidkani ay tahay in aynu joojino faraha ay dacalada kala duwan isku fiiqaayaan (Dawlada, Waalidiinta, Warbaahinta, Qurba joogta…iwm), oo aynu ogaano in aynu dhamaanteen arrintan masuul ka nahay, laga yaabaa in aan wax ka qoro arrintan aan u arko xalka maqaal kale insha Allaah.

 

COMMENTS
LINKS