Kooxda Al-shabaab Oo Markii U Horeysay Ka Caddeysay Ujeeddada Duullaankii Dagaal-yahannadoodu Ku Qaadeen Puntland & Maxaabiis Laga Qabsaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Al-shabaab Oo Markii U Horeysay Ka Caddeysay Ujeeddada Duullaankii Dagaal-yahannadoodu Ku Qaadeen Puntland & Maxaabiis Laga Qabsaday
April 4, 2016 - Written by Editor:

Muqdisho, (Wajaalenews) – Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere), ayaa markii u Horreysay ka hadlay Weerarkii ay bishii hore ku qaadeen Deegaanno Puntland ka tirsan, gaar ahaan deegaanada ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland.

Sh. Cali Dheere ayaa xusay in duullaankii Puntland ay ku qaadeen uu hadafkiisu ahaa sidii Shareecada Islaamka loo gaadhsiin lahaa deegaanadaas, isagoo intaas ku daray in haddii aan cadowga laga hortegin uu dalku galayo gumeysi.

“Waxay 14-kii March, 2016-ka, Mujaahidiintu weerar ku qaadeen deeganno ka tirsan gobollada Waqooyi-bari ee Puntland, hadafka duullaankaasna wuxuu ahaa sidii Shareecada ALLE loo gaadhsiin lahaa,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-sabaab ayaa mar kale yidhi. “Mujaahidiinta waxay dagaalladaas ku bixiyeen naf iyo maal, iyagoo ALLE talo saartay, qaddarkiisana raali ku ah. Waxaana leeyahay xoogaggii duullaankaas fuliyay ALLE ha idinka Abaal-mariyo. Allaah waxaan weydiisaneynaa inuu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, kuwiina maxaabiista ahna soo badbaadiyo.”

Afhyeenka Al-shabaab ayaan marna soo hadal-qaadin khasaarihii ay la kulmeen xoogag-goodii ka dagaallamay Puntland, sida dhimashada, dhaawaca iyo weliba tirada maxaabiis ahaanta loo haysto.

Dhanka kale, Sh. Cali Dheere ugu baaqay beelaha Puntland inay wax walba oo khalad ah oo ka dhacaya joojiyaan, isagoo xusay in maamulka ay la safan yihiin uu yahay mid u adeega cadowga Islaamka.

Ugu dambeyn, Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ee ku aaddan duulaankii ay ku qaadeen Puntland, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Puntand ay toddobaad ka hor sheegtay inay soo afjartay dagaalkaas ayna ka adkaadeen xoogaggii soo weeraray ee Al-shabaaab.

COMMENTS
LINKS