|
|||||
WAJAALE NEWS
Khudbada Prof. Axmed Ismaaciil Samater: Hal-door iyo Hogo-tusaaleyntii!
April 14, 2016 - Written by Editor:Hal-qabsi: Marka aad himiladaa, hilin toosan nin mariyoo, Hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo, Haga maatidiisoo, la hiigsado dhashaabaa, Hooyo lagu xasuustaa…….
Beydad ka mid heestii hooyo ee Gabyaa: M. I. Warsame-Hadraawi-.
Maalmihii toddobaadkan ugu dambeeyey waxa aynu si weyn isugu gudbineyney arragtiyaha kala duwan oo dadweynaha is dhaafsanayeen kuna saabsan khudbada dhowaan uu Bare –sare Axmed Ismaaciil Samater u jeediyey jaaliyaha reer Yurub oo Somaliland ka soo jeeda. Kulankan waxaa uu ku xidhiidhsanaa mid balaadhan oo ay jaaliyadahu la yeesheen baarlamaanka Iswiidhan. Markan ka dib ayey xubnaha jaaliyaduhu si gaar ah u kulmeen. Halka kan ayuu Baraha-sare uu si weyn oo laam-sami ah misna si weyn ugu duur-xuley u soo bandhigey arratigdiisa shaqsiga ah oo ku Aadan meel-marinta Qadiyada Somaliland iyo sida ay ula muuqato isaga in ay ku haboon tahey isaga oo si dhowaanahakan aynu illowney u soo bandhigey badheedhaha arragtidiisa. Runtii, aniga xiiso gaar ah ayey ii laheyd marka aan dhageystey iyo macnaha ay ii sameysey. Bare-sare Axmed Ismaaciil Samater waxaa uu muujiyey muuqaalka hal-doorka mudan in uu horsed ka noqdo meel-marinta qadiyadeena isaga oo hoosta ka xariiqey sida iyo sida ay dhowaanahakan uga agoomoodey Somaliland in aynu arragno hal-doorkii ku haboonaa oo ku foogan ama ka shaqeynaya arrintan aayaha iyo mustaqbalkeenu ku xidhan yahey. Baraha-sare ee aqoontu waxaa uu tilmaan cad oo aan daah saarneyn ka bixiyey dhakhtarka dhabta ah ee daweyn kara bukaankeena iyo il-duufka maanta la deriska ah saaxada hogaamineed ee dalkeena. Macalinku waxaa kale oo uu tooshka ku qabtey in meesha iyo halkii ay aheyd in uu ka soo mudhi lahaa aaney uba diyaarsaneyn farsamo ahaan, qaab ahaan, maamul ahaan, fulin ahaan, iyo shaqo ahaan balse ka sii dartey oo majaro-habow weyn lagu sameeyey jidka saxda ah ee lagu heli lahaa taas oo ah xisbiyada siyaasiga ah ee qaranka oo ka madhan hilaadintii, currintii, agaasimkii, iyo fulinta si loo gaadho himilada ummadeena. Bare-sare Axmed Ismaaciil Samater waxaa uu si weyn u gunaanadey in haddii aynaan daweyn si dhab ah, naf-hur ah, wadajir ah, xil-kas ah, oo daacad ah aan la mahadin doonin cidhibta dambe ee balahdeena. Waxaan ku soo koobey, waxay iila muuqatey in macalinku si dedban oo badheedh ah fariin cad ugu direy inta ay isku martabo yihiin oo ummadeena ka mid ah oo la wadaagta waajibta xil-gudasho ee saaran oo ay tahey in ay ka midho-dhaliyaan himiladeena hano-qaadey ee u baahan rasmiyeyn iyo in aynu helno natiijo rasmi ah. Gebo-gabadii, waxay I xusuusisey xilliyo uu hormuudka isaga oo kale ah si weyn jillaa uga ahaayeen heerka saaxada oo hal-doorka u yihiin kuwaas oo inaga soo saarey mushkilado badan oo inagu habsadey balse hagar-baxa hormoodnimo oo ay sameeyeen suurto-galisey in aynu si sahlan uga soo gudubno dhibtaas jirtey! Bal xasuuso bisha Febraayo ee sannadkii 1991kii, wixii aynu dhaxalney, dhibkii jirey, nolosha adag oo ummada la deris aheyd, khataro badan oo arrami inoo qarsooneyd aheyd ah, shacab kala ir-dheysnaa IWM! Maxaa dhacey oo la sameeyey? Kuwee ayey ahaayeen kuwakan ina horkacayey oo horseedka ahaa? Sidee wax u qorsheeyeen si masiibada looga gudbo? Awood intee leeg ayey lahaayeen ama hayeen? Iidaan intee leeg ayaa aynu heyney? Akhriste is-weydii inta su’aalo ah iyo in ka badan oo dib-u-raac rubuc qarniga aynu soo-ka-bashada, kobcinta, iyo horumarka qarankeena ku soo jirney. Halkan weeyi meesha uu min-qiyaaska uga dhigey Bare-sare Axmed Ismaaciil Samater iyo sida ay maanta u dhantaalan tahey oo u baahan kabniin rasmi ah si loo helo hormuud dhab ah sida iyo sida shaley iyo xilliyo kale oo nolosheena ah loo guuleystey. Weliba waxaa uu si weyn u sharxey in aan marnaba soomaalidu isu howlin in ay aqoonta u adeegsato danaheeda bulsho dhaqan dhaqaale marka la howshoonayo waana mida keentey in arrimuhu soo noq-noqdaan mar walba. Ugu dambeyn, macalin Samater waxaa uu soo bandhigey arragti dhisan oo farshaxankeeda wadata waana sida la gudboon hal-door walba meesha uu dhakhtarka ka yahey iyo sida uu ula tacaalayo bukaanka la gudboon. Allow sahal amuuraha Aadaa awood leh,
Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland.
Tel: 00252 (0)63 4137470. Email: mustafe72@gmail.com
Related posts:Magnad Madaxa La Dhex Gelinaayo oo Qofka Dhegaha Culus u Saamaxaya inuu si Fiican wax u Maqlo. Anigoo Tan Gacanta ku Haya: Xadhigii Dadkii Liisanka Loo Xidhay, Ayay Tana Igu Soo Dhacday: Faaf-ree... Gabay Baroordiiq Ah Taariikhda Geli W/c : Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad) ----------------------... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|