Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex Galay Gudoomiye Muuse biixi Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid+Halka Uu Salka Ku Hayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex Galay Gudoomiye Muuse biixi Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid+Halka Uu Salka Ku Hayo.
April 27, 2016 - Written by Editor:

MAXAA KALA QABSADAY MURASHAX MUUSE BIIXI IYO SIYAASI CALI GOBONIMO.

HARGAYSA(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa La sheegay in uu  ka dhex qarxay khillaf culus kaasi oo maalmihii udanbeeyay soo ifbaxay

labadan masuul oo mudooyinkii u danbeeyay isku mawqif ahaa ismarkaana  soo wada galay halgan  siyaasadeed oo lagaga takahulasay siyaasiyiin miisaan culus ku  leh saaxada siyaasada somaliand .

Hadaba Warar Xogogaal ah oo ay heshay qaarkamida  Warbaahinta madaxbanaan   ayaa  xaqiijiyay in khilaaf xoogani ka dhex qarxay  ganacsade maxamed aw siciid Iyo murashaxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi

Khilaafkan ayaa  yimid ka dib markii Uu kulan ay lahaayeen muuse biixi iyo   Mr Cali Aw Xasan (Cali Gobonimo)  kaasi oo sida laheegay markii uu bilowday hadalkoodii muuse biixi usoo jeediyay arimo dhawr ah  sidoo kale cali gobonimo oo ah siyaasi Saamayn ku leh somaliland horena ugu guulaystay isaga iyo ganacsade in aw sciid kadib markii uu Daahir Riyaale diiday xadhiga cable in ay xukumadiisii rideen  ayaa sida xogahani xuseen muuse u soo jeediyay in aanay suurgal ahayd in la inqilaabo saldanada subeer awal  ayna dhaawacayso hankiisa marashaxnimo loona baahan yahay in la doono suldaankii guud iyo arimo kale oo xasaasiya.

khilaafka muuse iyo ina aw siciid

Intaa Kadib ayaa lasheegay in murashax muuse biixi  dhibsaday hadaladii kasoo baxay masuulkan

taasi oo keentay in uu muuse biixi weedho kul kulul ku weeraro cali gobonimo una sheegay in aanu isagu cidna u joojinay isagoo intaa u raaciyay in uu guriga uga baxo, hadaladan kasoo baxay muuse biixi ayaa lasheegay in ay ku jireen kuwo cay ah iyadoo u sidaana cali kaga soo baxay gurigii   walow  la sheegay in ay goobta  ku sugnaayeen xubno kamida xisbiga kulmiye iskuna beel yihiin labadan masuul ee isku dhacay balse aanay jirin  cid dhex gashay.

dhacdadan ayaa lasheegay in ay saamaysay xidhiidhkii murashax muuse biixi iyo ganacsade Maxamed aw Siciidd Geedi saamayna ku leh  madaxda  dhaqanka ee beesha subeer awal iyo gudiyada Hoodaale Iyo Dan iyo Duco  iyo guud ahaan bulshada  somaliland

dhanka  kale Ilahan Ayaa Tibaaxay in Khilaafka  ay keentay  Ka dib markii gudoomiye Muuse Biixi Cabdi bilaabay in uu xidhiidh qarsoodi ah la sameeyo xubnihii ay hore isugu eedeen shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Ku dooranayay musharxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ,kaas oo ganacsade Ina Aw Siciid iyo  Cali gobonimo ay si wayn ula safteen garabkii Muuse Biixi cabdi sidoo kalana ay kharash badan ku bixiyeen sidii uu musharaxa xisbiga u noqon lahaa Muuse Biixi Cabdi. meesha ay uga saari lahaayeen hankii siyaasiyiintii ay isku beesha ahaayeen muuse biixi oo guul daradoodii loo tiriyo dhaqaalaha

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse Biixi Cabdi ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin magaalada Hargaysa waxa ay cadho ku kala tageen saaxiibkiisii ay mudo badan wada duulayeen.

dhanka kale waxaa maalmihii u danbeeyay shirar gooni gooni ah magaalada hargaysa ka bilaabay siyaasi cali gobonimo  shirarkan ayaa  la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka dhan ah siyaasada muuse biixi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa halka ay cago dhigato khilaafkan cusub ee ka dhex qarxay saaxiibo siyaasada isku fikirka ahaa balse maanta ay fiintu kala dhex miranayso.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS