|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex Galay Gudoomiye Muuse biixi Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid+Halka Uu Salka Ku Hayo.
April 27, 2016 - Written by Editor:MAXAA KALA QABSADAY MURASHAX MUUSE BIIXI IYO SIYAASI CALI GOBONIMO. HARGAYSA(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa La sheegay in uu ka dhex qarxay khillaf culus kaasi oo maalmihii udanbeeyay soo ifbaxay labadan masuul oo mudooyinkii u danbeeyay isku mawqif ahaa ismarkaana soo wada galay halgan siyaasadeed oo lagaga takahulasay siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxada siyaasada somaliand . Hadaba Warar Xogogaal ah oo ay heshay qaarkamida Warbaahinta madaxbanaan ayaa xaqiijiyay in khilaaf xoogani ka dhex qarxay ganacsade maxamed aw siciid Iyo murashaxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi Khilaafkan ayaa yimid ka dib markii Uu kulan ay lahaayeen muuse biixi iyo Mr Cali Aw Xasan (Cali Gobonimo) kaasi oo sida laheegay markii uu bilowday hadalkoodii muuse biixi usoo jeediyay arimo dhawr ah sidoo kale cali gobonimo oo ah siyaasi Saamayn ku leh somaliland horena ugu guulaystay isaga iyo ganacsade in aw sciid kadib markii uu Daahir Riyaale diiday xadhiga cable in ay xukumadiisii rideen ayaa sida xogahani xuseen muuse u soo jeediyay in aanay suurgal ahayd in la inqilaabo saldanada subeer awal ayna dhaawacayso hankiisa marashaxnimo loona baahan yahay in la doono suldaankii guud iyo arimo kale oo xasaasiya. Intaa Kadib ayaa lasheegay in murashax muuse biixi dhibsaday hadaladii kasoo baxay masuulkan taasi oo keentay in uu muuse biixi weedho kul kulul ku weeraro cali gobonimo una sheegay in aanu isagu cidna u joojinay isagoo intaa u raaciyay in uu guriga uga baxo, hadaladan kasoo baxay muuse biixi ayaa lasheegay in ay ku jireen kuwo cay ah iyadoo u sidaana cali kaga soo baxay gurigii walow la sheegay in ay goobta ku sugnaayeen xubno kamida xisbiga kulmiye iskuna beel yihiin labadan masuul ee isku dhacay balse aanay jirin cid dhex gashay. dhacdadan ayaa lasheegay in ay saamaysay xidhiidhkii murashax muuse biixi iyo ganacsade Maxamed aw Siciidd Geedi saamayna ku leh madaxda dhaqanka ee beesha subeer awal iyo gudiyada Hoodaale Iyo Dan iyo Duco iyo guud ahaan bulshada somaliland dhanka kale Ilahan Ayaa Tibaaxay in Khilaafka ay keentay Ka dib markii gudoomiye Muuse Biixi Cabdi bilaabay in uu xidhiidh qarsoodi ah la sameeyo xubnihii ay hore isugu eedeen shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Ku dooranayay musharxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ,kaas oo ganacsade Ina Aw Siciid iyo Cali gobonimo ay si wayn ula safteen garabkii Muuse Biixi cabdi sidoo kalana ay kharash badan ku bixiyeen sidii uu musharaxa xisbiga u noqon lahaa Muuse Biixi Cabdi. meesha ay uga saari lahaayeen hankii siyaasiyiintii ay isku beesha ahaayeen muuse biixi oo guul daradoodii loo tiriyo dhaqaalaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse Biixi Cabdi ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin magaalada Hargaysa waxa ay cadho ku kala tageen saaxiibkiisii ay mudo badan wada duulayeen. dhanka kale waxaa maalmihii u danbeeyay shirar gooni gooni ah magaalada hargaysa ka bilaabay siyaasi cali gobonimo shirarkan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka dhan ah siyaasada muuse biixi. Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa halka ay cago dhigato khilaafkan cusub ee ka dhex qarxay saaxiibo siyaasada isku fikirka ahaa balse maanta ay fiintu kala dhex miranayso.
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|