Khasaaraha Ka Dhashay Toga Wajaale Oo Fatahay Iyo Doorka Gurmadka ee Ciidanka Qaranka Banka Wajaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khasaaraha Ka Dhashay Toga Wajaale Oo Fatahay Iyo Doorka Gurmadka ee Ciidanka Qaranka Banka Wajaale
April 30, 2016 - Written by Editor:

axmed (2)

Toga wayn ee kala qaybiya Magaalo ganacsiyeeda Wajaale ayaa ku fatahay magaalada,kaas oo gaystay khasaare badan,waxaana Wararka  xafiiska warqabadka ee wajaalenews  soo gaadhayaa sheegayaan in uu qaaday guryo badan oo ay ka mid yihiin xafiisyadii Maaliyada,laanta socdaalka,Hotelo iyo qaar ka mid ah bacadlayaasha waawayn ee magaalada Togwajaale,waxaanay wararku sheegayaan in  ilaa hada si xawli ah u kordhayaan fatahaada toga Magaalada Wajaale.

Dhinaca kale waxaa samata bixinta dad iyo duunyaba ka qabqaadanaya ciidanka qaranka ee banka wajaale oo aanu khadka telephoneka kula xidhiidhnay  taliyahooga  Axmed Daa,uud ayaa noo sheegay in ay badbaadiyeen guud ahaanba agabkii iyo documentigii yaalay xafiisyada maaliyada iyo laanta socdaalkaba iyo guud ahaanba agabkii kale ee uu qaaday daadku,waxaanu intaa ku daray in ay ilaa hada dhextaagan yihiin goobaha daadku ku fatahay ayuu yidhi taliye Axmed Daa,uud.

Roobab waawayn oo ka da,ay deeganada ku teedsan dhinaca koonfur galbeed  iyo deeganada ku teedsan  magaalada Tog Wajaale  ayaa sobobay fatahaada togan balaadhan ee kala qaybiya wadamada Somaliland Iyo Ethiopia.

Dad waynaha ku dhaqan magaalada Tog-Wajaale ayaa ay caawa soojeed u tahay iyada oo ay cabsi wayn laga qabo in ay fataahadu intaas ka sii badato maadaama wali ay da,ayaan roobabka guga oo dhawaan ka curtay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka

 

COMMENTS
LINKS