Ifkaa Laysu Tudhaaye Aaqiro Laysma Gargaaro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ifkaa Laysu Tudhaaye Aaqiro Laysma Gargaaro.
April 2, 2016 - Written by Wariye:

waxaanu dhibaatada la dareemaynaa kuwa abaatu hayso ee xooluhu ka dhamaadeen iyo kuwa dadkii iyo xoolihiiba

XUSBIGA KULMIYE  LAANTIISA FADHIGEEDU YAHAY
DALKA HOLLAND WAXAY DHAMAAN BULSHADA REER SOMALILAND
DEBED IYO GUDABA UGU BAAQAYSAA IN GACMAHA LAYSU QABSADU SIDII LOO BADBAADIN
LAHAA WALAALEHEENA  ABAARTU FARAHA BA, KU HAYSO.

UGU HORAYN .
dhamaan bulshada reer somaliland ee walaalahayaga ah meelkasta oo ay ku kala sugan yihiin
debed iyo gudaba waxaanu lawadaagaynaa ku sugnaashaha hadba xaalada ay ku sugan yahay.

waxaanu dhibaatada la dareemaynaa kuwa abaatu hayso ee xooluhu ka dhamaadeen iyo kuwa dadkii iyo xoolihiiba iska raaceen.

iyadoo dareenkaa xanuunka badani taagan yahay  dhamaan intii dadkii dhintay waxaan eebe

uga baryaynaa inauu janadiisa fardowsa ku soo dhoweeye dhamaan shacabka reer somaliland iyo eheladii ay ka bexeena  leenahay samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haynaga siiyo.

waxaa kaloo arinkaas isaga ah aanu jecelahay inaan sii raacino oo naga ah baaq ku wajahan muwaadikasta oo somalilander dhab ah inuu baaqayagan ajiibo jawaabna ka bixiyo iyadoo maanta arinka inoo yaalaa keliya uu yahay jeebka ka soo saar oo dir kuna hagaaji gudida abaaraha loo xilsaaray.

hadaba mawaadin ma hadhin hadal lays yidhaahdaa maanta hoo mooyaane haab kale ma jiro oo meesha yaala mida kale shiqsi kasta oo somalander ahoow adigoo kari kara  waxba ha hagran walaal.

intaad wax dib u dhigaysaanba qof walaalkiin ah baa gaajo iyo silic udhimanaya hadaba walaalayaal aan fadhiga ka kacno una guntano sidaan uga qayb geli lahayn dhibaatada ka jirta dalkeenii hooyo fadlan.
wabilaahi tawfiiq. gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee dalka holland
xasancade

Khadar Suleiman <khaalid55555@hotmail.com

COMMENTS
LINKS