Haayaada Cunada Aduunka ee Qaramada Midoobay ee FAO Oo Balan Qaaday In ay Xoolo Siin Doonto Beerahana Ka Caawin Doonto Dadkii Abaaruhu Saameeyeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayaada Cunada Aduunka ee Qaramada Midoobay ee FAO Oo Balan Qaaday In ay Xoolo Siin Doonto Beerahana Ka Caawin Doonto Dadkii Abaaruhu Saameeyeen
April 16, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Haayada Cunnada aduunka FAO ayaa sheegtay in ay caawinayso 6000 (Lixdan kun )  qoys oo ay xoolihii iyo beerihii kaga dhamaadeen abaaraha iyo roobabka ka jiray Gobolo ka mida Somaliland.

Haayadu waxaa kale ee  ay sheegtay in ay  xoolo siinayaa  dadkaasi xoolahooda ku waayay abaartii dalka ka jirtay, waxaa kale oo ay haayadu sheegtay inay caawinayaan beeralayda si ay dib u soo saaraan dalagyadii ay beeran jireen ee kaga baaba’ay abaarta.

 

“Waxaa ay  noo balan  qaadeen in ay xoolo tiro badan  talaali doonaan, iyadoo ay xoolo badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’weyntii xoolaha” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo soo xiganayay qodobo ay isla qaateen  wakiilka Haayada FAO u qaabilsan  Somaliya iyo Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale,  wakiilka Haayada FAO Mr Richard Trenchard ee Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegay in xaalada Cunto la’aaneed ee aduunku ay sii badanayso qaaxoontiguna uu aad u batay , iyada oo ay taasi jirto ay Somaliland ka caawin doonaan sidii ay uga soo kaban lahayd saameynta ay kaga tagtay abaarta saameysay Xoolo dhaqatadii iyo Beeralaydii.

Wakiilku waxaa uu madaxwayne ku xigeenka ku wareejiyay 6100  Dollar, lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha haayada FAO ee Somaliland  isagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada xoolaha ee Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS