Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyay Ee Geerida Marxuum Sheekh Khaliif Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Shacabka Somaliland ka Tacsiyadeeyay Ee Geerida Marxuum Sheekh Khaliif Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
April 14, 2016 - Written by Editor:

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Xildhibaannada Golaha Guurtida iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa caawa (14/03/2016), kadib xannuun uu muddo u jiifay.

Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, waxa uu ahaa oday miisaan wayn ku lahaa Somaliland oo uu ku suntanaa hormoodka odayaashii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimadeeda, isagoo ka mid ahaa xeer-beegtidii soo hoggaamisay talada dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama ilaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu tilmaamay Marxuum Sheekh Khaliif tiir culus oo ka baxay Somaliland oo la tabi doono shacab iyo dawladba.

Ugu dambayntii, waxa uu Marxuumka uga baryey Alle inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
LINKS