”Goortii Aan Idhi Insha Allah Kadibna Aan Telka Damiyay Ayaa Leygu Amray Inaan ka Dego Diyaarada” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
”Goortii Aan Idhi Insha Allah Kadibna Aan Telka Damiyay Ayaa Leygu Amray Inaan ka Dego Diyaarada”
April 19, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Dhacdadani ayaa waxa ay ku dhacday muwaadin kasoo jeeda dalka Ciraaq oo heysta diinta islaamka waxa uu ka socdaalayay Los Angeles kuna sii jeeday Oakland.

Wiilkani ayaa waxaa lagu magacaabaa Khayruldiin Makhsumi, waxa uuna kamid ahaa dhalinyarada dhigata Jaamacada California ee Berkley, isaga oo diyaaradii looga reebay keliya isticmaalka Carabiga iyo isaga oo hadalkiisa kusoo afmeeray Insha allaha, sida ay qoreen Jaraa’idka kasoo baxa Mareykanka.

Khayruldiin Makhsumi, waxa uu wakhtigaasi Telka kula hadlaayay adeerkiisa oo ku noola dalka Ciraaq, waxaana mar qura fadhiga ka booday Haweeney dhinac fadhisay oo ay dhagaheedu kusoo dhacayeen Carabiga uu Khayruldiin Makhsumi kula hadlaayay adeerkiisa iyo isaga oo hadalkiisa kusoo afmeeray Insha allah waxa ayna durbadiiba dacwad ka gudbisay Khayruldiin Makhsumi.

Khayruldiin Makhsumi, oo aan ku jirin baqdin ayaa waxaa su’aalo laga weydiiyay waxa uu ku hadlaayay, waxa uu ka sheekeynaayay iyo sababta uu u yiri insha allaha kadibna waxa uu duuliyaha go’aan ku gaadhay in Khayruldiin Makhsumi uu ka reebo safarka isaga oo sabab uga dhigay (Carabiga uu ku hadlayay iyo Insha allah oo uu yidhi).

Wiilkan islaamka ah ee lagu magacaabo Khayruldiin Makhsumi, waxaa durbadiina markii laga reebay rakaab diyaarada Southwest Airline lagu wareejiyay FBI garoonka ku sugneyd.

Docda kale, Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ururka xidhiidhka Islaamka ee Mareykanka ayaa sheegay in 6 dhacdo oo noocan oo kale ah ay sanadkan gudihiisa ka dhaceen Mareykanka.

COMMENTS
LINKS