GOLAHA DEEGAANKA BURCO OO GACMAHA ISKULA TAGAY KALFADHI AAN AAN CAADI AHAYN OO MAANTA AY YEESHEEN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GOLAHA DEEGAANKA BURCO OO GACMAHA ISKULA TAGAY KALFADHI AAN AAN CAADI AHAYN OO MAANTA AY YEESHEEN
April 23, 2016 - Written by Editor:

BUR-3
Burco(W.N):Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco oo iskugu imid Kal-Fadhi aan caadi ahayn, oo ay badiba goob joog ahayn xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa lagaga hadlayay goob dhuleed ay Dawlada Hoose iibinayso oo ku taala badhtama suuqa wayn ee magaladda gar ahaan agaagarka hotel Deero ee magalada Burco ,Murankani oo sababay in xildhibaanadu ay u qayb samaan laba dhinac .

Xildhibanadan oo mudooyinkii udanbayay ku muransanaa goob dhuleedkani ku yaala agagaarka Hoteelka Deero ee magalada burco iyo mooshin ay maleegayeen 11 xildhibaan oo lala damacsan yahay in xil ka qaadista lagu samayo maayirka iyo ku xigeenkiisa.

Kalfadhigani oo qaatay sacaado kooban ayaa waxa u waxa uu ahaa mid hadheeyay muran badan oo

sababay gacan ka hadal dhexmaray laba xildhibaan oo ku kale duwan fikirka ku aadan muranka dhulkana , labadan xildhibaan oo kale ah xildhibaan khadar Nuux Saciid iyo Xildhibaan Shiine Faliidh Taas oo sababtay in muranku uu sii xoogayso oo sababay in lagu kale kaco kalfhadhigani,

Kalfadhigani aan caadiga ahayn ee ay yeeshan xildhibanadan Golaha deegaanka degmada burco ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan taas oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulsho Fara Badan oo ku sugnaa Hoolka Shararka ee Dawlada Hoose oo usoo diyaar gawoobay dhagaysiga kalfadhigan oo ku suntana mooshin xilka lagaga qaadayo maayirka burco iyo ku xigeenkiisa oo isku badalay muran dhul.

Mar ay isku dayeen warfideenadi Goobta ku sugna in ay wax ka waydinyaan Xildhibanada ukala Fadhiyay labada dhinac eek u muransana ibiinta dhulkani iyo mooshinka lagu waddo in xilka lagaga qaado maayirka magalada burco iyo ku xigeenkiisa ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday.

Bulshadi ku sugnayd Dawlada hoose ee la socday muranka mudooyinku udanbayay dul hoganayay xildhibanada golaha deegaanka Burco, ayaa ku tilmaamay golaha deeganka degmada Burco ay shaqadoodi kaga mashquulan ibsiga iyo boobka hantiada qaran kuna tilmaamay golaha Deegaanka mid Ku Fashilmay Hanaanka Shaqo.

Si kastaba ahaate murankani ayaa soo ifbaxay ka dib intii uu imid Wasiirka hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland Cali Maraxaan oo kulan la yeeshay xildhibanada golaha deeganka burco oo sababay in la isku af garan waayo qodabadi uu kulankaasi ku sal-fadhiyay.
wajaale desk
burco

COMMENTS
LINKS