FILASHADA FIICAN EE WASIIRKA WASAARADA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA CAALAMIGA MUDANE XUSEEN AADAN CIGE (DAYR) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FILASHADA FIICAN EE WASIIRKA WASAARADA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA CAALAMIGA MUDANE XUSEEN AADAN CIGE (DAYR)
April 2, 2016 - Written by Editor:

12919045_1116678198384928_752291530_n
Hogaamintu maaha doobir ee waa kala doorashada wadooyinka iyo hababka ugu saxsan ee u danta ah umuuraha iyo umada uu hogaaminayo guusha ama guuldaraduna waa qayb wixii qayb ahina waa amuur allah lakin maaha inuu hogaamiyihu ku goaan qaato si qori tuurah ‘waxa layidhaa hogaamiyaha suubani ma ciyaaro laadhuu ee waxuu ciyaaraa jesta ama shaxda’ aaraartan ama suurayntan hogaamiyaha fiican lagu garto waxa igu kalifay inaan ku bilaabò qoraalkaygan gaaban filashada fiican ee wasiirka wasaarada gancsiga iyo maalgashiga caalamiga mudane Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo ah nin dhalinyara oo aqoonyahana una dheertahay khibrad shaqo iyo mid hogaamineedba.

sida aan ka wada dhargsanahay waxay ku soo beegantay magacbista wasir dayr xili baahi badan oo maamul iyo hogaamineedba ka jirto wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo hogaaminta bulsheed ee uu ka soo jeedo hadaba qiyaastayda iyo ta bulshaduba waxay tahay inuu yahay wasiir Xuseen Dayr ninkii hagaajinlahaa khadaadkii ay katageen ragii ka horeeyay waxna u qaban lahaa qaranka iyo bulshadiisaba

hadaba waxan ku soo gunaanadayaa wasiir dayr waa nin karti iyo hogaamin badani ku jirto oo jecel inuu dhagaysto bulshada ee waa in lala shaqeeyo gaar ahaan bulshadiisu

Abdirisaq M. Hasan

cabdirisaqmx@gmail.com

COMMENTS
LINKS