|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Ruushka Oo Shaacisay In Ay Somalia Hub ka Iibin Doonto.
April 22, 2016 - Written by Editor:MOSCOW(Wajaalenews) — Xukuumadda Ruushka, ayaa shaacisay inay Somalia hub ka iibinayso, haddii Qaramada Midoobay ay si rasmi ah uga qaado cunno-qabteynta hubka ah ee saaran. Afhayeen u hadlay Xukuumadda Moscow ayaa shaaca ka qaaday in Ruushku diyaar u yahay inuu hub ka iibiyo Soomaaliya, ayna fulin doonto dalab uu sheegay in uu Soomaaliya kaga yimid, kaasoo ah in hub ay ka iibiso Ruushka, si ay Ciidamadeeda dib ugu dhisto. Wakaaladda Wararka Ruushka oo soo xiganaysay Afhayeenka ayaa baahisay inay Somalia ka dalbatay dowladda Ruushka inay ka iibiso hub casri ah, Wuxuuna Afhayeenu u sheegay Wakaaladda in Xukuumadda Ruushka ay fulinayso dalabka kaga yimid dowladda Somalia. “Ruushka diyaar ayuu u yahay inuu meel-mariyo dalabyada dhanka hubka ah ee Caalamka uga imaanaya, sida Soomaaliya, waase haddii aysan saarnayn Cunno-qabteyno Hub,” ayuu yiri Afhayeenkan u hadlay Xukuumadda Moscow. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ruushka, Sergei Lavarov ayaa sheegay inay Xukuumaddiisu diyaar u tahay inay gar-waaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan dhanka farsamadda milliteriga. Dowladda Ruushka, ayaa hadalkeeda kusoo beegtay maalin kaddib markii uu RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu Booqasho ku tagay Dalka Ruushka, uuna la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavarov oo ay kada hadleen sidii uu Iskaashi dhanka ciidamada ah. RW Soomaaliya, Sharma’arke ayaa kulanka uu la yeeshay Lavarov oo Moscow ka dhacay kaga dalbaday Ruushka inay ka taageerto Dowladda Somalia horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta awoodda ciidamada Qalabka sida ee Somalia. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM in Somalia laga qaado Cunno-qabateynta Hubka ah ee saaran, si dib loogu dhiso ciidamada xooga dalka.
Related posts:DAAWO: Go,aamo Laga Soo Saaray Shaqaaqo Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Biyo-guduud Ee Bariga Go... Wasaarada Duulista Hawadda Oo Shaacisay In Diyaarada Ethiopian Airline Maanta Soo Cago dhigan doonto... Wariye Hereri Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Badbaaday Daad Qaadi Gaadhay. Kana Waramay Sidii Ay Wax Udh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|