Dawlada Maraykanka Oo Tobabaraysa Dagalyanahanada Mucaradka Ee Dawlada Suuriya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Tobabaraysa Dagalyanahanada Mucaradka Ee Dawlada Suuriya.
April 2, 2016 - Written by Wariye:

Milateriga Maraykanka Ayaa Sheegay Inuu Bilaabayo Inuu Tababaro Tiro Daraasiin Ah Oo Ka Tirsan Dagaalyahannada Mucaaradka Suuriya Oo Uu Filayo Inay Ka Hor Tagaan Kooxda Dawladda Islaamiga.

Arrintan Ayaa U Muuqata Mid Dib Loogu Soo Noolaynayo Barnaamij Looga Gol-Leeyahay In Lagu Diyaariyo Kumanaan Mintidiin Ah Oo Dagaal La Gala Kooxda IS

Barnaamijkaas Oo Guuldarro Ku Dhamaaday Sannadkii Hore. Dadaalka Ayaa La Joojiyey Markii Ay Soo Baxday In Qaar Ka Mid Ah Dadkii La Qortay Ay Si Sahlan Hubkooda Ugu Wareejiyeen Koox Xoog Leh Oo Jihaad Doon Ah, In Yar Ka Dib Markii Ay Ka Laabteen Suuriya.

Xafiiska Pentagon Ayaa Sheegaya In Tababarka La

Siinayo Dadka Cusub Ee Loo Qorayo Barnaamijka Dib Loo Soo Noolaynayo Ay Ku Jiraan Sidii Loo Ogaan Lahaa Bartilmaameedyada Ay Cirka Ka Duqayn Doonaan Dayaaradaha Xulafada Uu Maraykanku Hor Kacayo.

Xigasho BBC Somali
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS