DAAWO;Munaasibad lagu Daah-furay Buugga GO’AAN iyo GEESINNIMO Oo Ka Warramaya Taariikhda Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Munaasibad lagu Daah-furay Buugga GO’AAN iyo GEESINNIMO Oo Ka Warramaya Taariikhda Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
April 23, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) – Munaasibad Ballaadhan oo Habeen Hore lagu Qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu Daah-furay Buug laga qoray Taariikhda Alle ha u Naxariistii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo ahaa Guddoomiyihii u horeeyay ee Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana door Shariif ah ku lahaa Nabadeynta Beelaha Somaliland.

Buuggan oo Magaciisu yahay GO’AAN iyo GEESINNIMO, isla-markaana uu qoray Cali Cabdi Coomay oo ka mid ah Qorayaasha Reer Somaliland, ayaa Munaasibadda lagu Daah-furey waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda, Madax-dhaqameed, Culimo iyo Dadweyne kale oo Mudan.

COMMENTS
LINKS