Daawo:Dilaagii Wariyaha Xasan Xanafi Oo Maanta Dil Toogasho ah Lagu Fuliyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo:Dilaagii Wariyaha Xasan Xanafi Oo Maanta Dil Toogasho ah Lagu Fuliyay
April 11, 2016 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)April.11,2016-Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada muqdisho ee caasimada dalka somaliya ayaa sheegaya in goordhawayd dil toogasho ah lagu fuliyay dilaagiii wariyayaasha magaalada muqdisho Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa kooxda al-Shabaab.

 

Fulintan xukunkan dilka ah ayaa goor dhaweyd ka dhacday Fagaaraha School Polizio ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya.

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa 3-dii bishii Maarij dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi.

Hase ahaatee waxaa uu ka qaatay Racfaan, iyadoo 26-kii bishii hore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ay mar kale ku xukuntay dil toogasho ah.

Waxaana sakaa si rasmi ah dil toogasho ah lagu fuliyay Xasan Xanafi Xaajo oo ahaa ninkii ka danbeyey shirqooladii lagu dili jiray wariyayaasha magaalada muqdisho

 

COMMENTS
LINKS