Daawo Video Kala Yaac ka Dhacay Magalada Nairobi Oo Libaax Ku Soo Baxsaday Oo Boolisku Deg Deg U Toogtay Markii uu Qof Mooto Kala Degay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Video Kala Yaac ka Dhacay Magalada Nairobi Oo Libaax Ku Soo Baxsaday Oo Boolisku Deg Deg U Toogtay Markii uu Qof Mooto Kala Degay.
April 1, 2016 - Written by Editor:

libaax
Nairobi(wajaale news):Libaax kasoo fakaday xarunta lagu xannaaneeyo libaaxyada iyo duur joogta kale ee magaalada Nairobi, ayaa ciidamada ilaalada xayawaanka toogteen, kadib markii uu soo baxsaday, dhaawacna u geystay nin saarnaa mooto.
Muuqaal naxdin badan oo laga soo duubay qaabka loo toogtay Libaaxaasi oo warbaahinta Kenya baahiyeen ayaa muujinaaya ciidamada ilaalada oo dhowr xabadood ku tooganaya libaaxa, kadibna dhulka ku dhacaya isagoo careysan.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale kusoo yaacay Libaaxaan, kuwaasi oo warmo ku hubeysnaa si ay ugu hortagaan qatartiisa.

Labo todobaad ka hor ayaa sidaan oo kale libaax ka soo baxsaday isla beertan lagu xannaaneeyo xayawaanka uu dhaawac u geystay oday waayeel ah, isla markaana dilay 100 neef oo Ido ah.: halkan hoose ka daawo:

COMMENTS
LINKS