DAAWO; Muuqaalka; Dhismaha fooq Laga Hirgalinayo Xaafada Shacabka Oo Xanibay Laba Wado Iyo Khatarta Gaadiidka Kala Haysata,+ Ogolaanshaha Dawlada Hoose. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Muuqaalka; Dhismaha fooq Laga Hirgalinayo Xaafada Shacabka Oo Xanibay Laba Wado Iyo Khatarta Gaadiidka Kala Haysata,+ Ogolaanshaha Dawlada Hoose.
April 1, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Dadwaynaha ku dhaqan xaafada shacab iyo  wadayaasha gaadiidlayda caasimada hargaysa oo cabasho xoogan ka muujiyay dhisme sifo sharci daro ah usoo galay wadada way ee isku xidha hargaysa iyo galbeedka somaliland

sidoo kale dhismahan fooqa ah  ayaa gabi ahaanba  xanibay jidka laamida ah ee Xaga  Cadeed dhaca Galbeedka  ka mara Fooqan kaasi oo isku xidha laamayda wayn ee guuleed huteel iyo jidka kor uga baxa xafiiska xisbiga kulmiye oo xidhiidhiya xaafado badan.

dhisme 11 dhisme 10 dhisme 9

hadaba dhsimaha fooqan oo socda wali ayna leeyihiin muwaadiniin  reer somaliland ah  ismarkaa labada wado ee dhinacyada ka mara si khadlan u soo galay.

dhisme 1 dhisme 3 dhisme 4 dhisme 8

Ayaan wax talaabo ay na ka qaadin dawlada hoose ee caasimadu taasi oo  iyadu ku shaqo leh ilaalinta wadooyinka iyo bilicda dhismayaasha waawayn ee dalka laga dhisayo.

balse nasiib daro muwaadininta dhisanaya fooqan  oo u muuqda kuwo aan u meel dayin hadtidooda badan ee ay dalka galinayaan iyo sidoo kale xanibaada ay ku hayaan wadooyin ay shacabku maraan ayaa u muuqda kuwo aan loo meel dayin. waxayna si beedhadh ah ciida lagu dhisayo iyo qalabkaba ugu sii xanibaan wadooyinkan ay marka horeba cidhiidhiga galiyeen,

dhisme 2 dhisme 7 dhisme 4

Waxaa xusuus mudan in dhismahan dhsime ka wayn uu dhiniciisa ka socda kaasi oo sida sawirada kamuuqata aan xataa wado xanibin barkinkiisa aad arkayso gurigana ay isku sakad yihiin iyo sida qolodan wadada xanibtay usoo dhaafeen dayrka ay wadaagaan,

dhanka kale  masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaa lasheegay in ay ogolaasho ka haystaan  taasi oo keentay in ku dhiiraan gaynta wadooyinka iyo khatarta ay sobobi karto/

sidoo kale wadayaasha gaadiid ee isticmaala jidadka oo xili walba ay ku xidhanto wadadu  keentana in ay ka lumiso saacado badan ayaa cabasho xoogan ka muujiyay  baaqna udiray masuuliyiinta ay khusayso

si katsba ha ahaatee dhismahan cusub ee  ka socda kasoo horjeedka guuleed huteel iyo kuwo kale oo badan  lagana hirgaliyay badi caasimada hargaysa ayaa ah dhamaan kuwo xaniba wadoyin badan sidoo kale aan lahayn wax baarkina hadhawna war war iyo in uu mulkiilaha lihi calag qaaliya siisto guryaha ku xeeran keenta si uu baarkin ugu sameeyo dhismahan uu markii hore u meel dayin.

 

COMMENTS
LINKS