Ciidamada Qaranka Oo Amar Kaga Rarey Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale Dadkii Abaaruhu Soo Hayaamiyeen Iyo Tacadiga Ay u Gaysteen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Qaranka Oo Amar Kaga Rarey Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale Dadkii Abaaruhu Soo Hayaamiyeen Iyo Tacadiga Ay u Gaysteen.
April 23, 2016 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(WN)-Ciidamada Qaranka iyo Booliska Somaliland ee ku sugan Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale ayaa, amar xaga sare kaga yimid kaga rarey, nawaaxiga Ciidanka Qaranku ka degan yahey Dhulbeeraadkaasi, Dadkii abaaraha ba,ani soo hayaamiyeen oo xiligan iyaga iyo xoolohoodiiba ku diirsadeen raxmaankii Eebe oo sifiican uga curtay deegaanada tog wajaale.

talaabadan ayaa timid sida la sheegay kadib markii Ciidanka Mashruuca Tog-Wajaale degani u ogolaadeen Shacbiga abaartu wadey in ay isticmaalaan biyaha daaqa haseyeeshee, ay ka fogaadaan Soonaha xerada Ciidanku degan yahey(Milatry-zone),laakiin dadku si war la,aan ah halkaa u dageen, waxaanay saraakiisha Ciidanka ee halkaa ku sugani ku doodeen in ay digniino dhinaca dagista ah siiyeen dadkani haseyeeshee, aanay taa maqlin.

dhanka kale wararka aanu ka helayno dhacdadan ciidanka qaranka iyo boolisku xoog ku rareen dadkan tabaalaysan ee abaartu keentay halkan  taasi oo la sheegay in ay qaarkamida dadkan u gaysteen ciidamadu tacadiyo kala duwan,

oo iskugu jira garaacis iyo in ay xoolaha ka xidheen.

 

COMMENTS
LINKS