|
|||||
WAJAALE NEWS
Bad-Gariir Ka Dhacay Jaziiradda Madagaskar Oo Xadhkaha U Jaray Maraakiib Ku Xidhnaa Dekedda Muqdisho
April 20, 2016 - Written by Editor:Muqdisho,(Wajaalenews) – Dekedda Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhuftay Gellinkii dambe ee Shalay Mowjado ka dhashay bad-gariir ka dhacay Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dekedda ee Muqdisho. Warka Bad-GariirkaLa-taliyaha Maamulka Dekedda Muqdisho, Axmed Cabdi Wataac oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in Mowjadahan ku dhuftay Dekedda Muqdisho ay sababeen khasaare burbur ah oo soo gaadhay dekedda iyo Maraakiibtii ku xidhnaa qaarkood, laakiin ayna geysan wax khasaare nafeed ah. “Mowjado biyo ah ayaa kasoo dul-booday Marsadii Dekedda Muqdisho ee ay Maraakiibtu ku xidhnaayeen, Saddex Markab oo Dekedda ku xidhnaa ayaa xadhkaha goostay, barxadihii la dhigi jiray Badeecooyinka Dekedda laga soo dajiyana Bur-bur ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi Axmed Wataac. Sidoo kale, Wataac ayaa xusay in Shalay markii ay shaqooyinka Dekedda billaabanayeen ay dareemeen in is-beddel uu ka jiro Badweynta Hindiya, Mowjadana ay ku dhufatay Dekedda 3:00 galabnimo, kuwaasoo socday illaa 5:30 galabnimo ee Shalay. Masuulkan oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Barxadihii la dhigi jiray badeecadaha Maraakiibta laga dajiyo dhamaantood burbur ayaa gaardhay, inkastoo khasaare nafeed aanu jirin, Waxaanan maqalnay in bad-gariir culus uu ka dhacay Jasiiradda Madagaskar iyo nawaaxigeeda,” ayuu hadalkiisa raaciyey Axmed Wataa, isagoo xusay inay burbureen laamiyadii iyo barxadaha badeecadaha la dhigi jiray ee dekedda, ayna dhex-yaalaan biyo fara badan, isagoo sheegay in haddii aan la dayactirin suuro-galayn in Dekedda lagu sii shaqeeyo. La Taliyuhu, waxa waxa kale oo uu sheegay, “Saddex Markab ayaa dekedda ku xidhnaa Marka Mowjaduhu ku dhaceen, kuwaasoo laba ka mid ah laga dajinayay Sonkor, waxaana isku dhacay laba markab oo ka mid ah Maraakiibta, midkoodna wuu Dalooshamay, ugu dambeynna bannaanka ayaan u dhignay Barroosinka, halkaas ayayna ku Xidhan yihiin.”
Related posts:DAAWO;-Aas Qaran Oo Deegaanka Beerato Ee Gobolka Oodwayne Loogu Sameeyay Marxuum Ganacsade Maxamed C... Daawo: Xildhibaan Buubaa oo Golaha Wakiilada Ka Difaacay Inay Caqabad Ku Yihiin Qabsoomida Doorashoo... “Waxay Guddidu Ku Dhawaaqi Doontaa In La Diiwaan Gelinayo Ururadii, Saddexda Xisbi Ee Jiraa Waxay La... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|