Yaa Hortaagan Ansixinta Gobalnimada GABILEY?….. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Hortaagan Ansixinta Gobalnimada GABILEY?…..
March 17, 2016 - Written by Editor:

Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do ayey Hore u tidhi Soomaalidu Magacaabista Gobalka Gabiley Waxaa Iska lahaa Xukumadii UDUB ee uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Riyaale Kaahin oo ahayd 2008dii iyadoo Laba Sano ka bacdi uu KULMIYE Talada Dalka Qabsaday oo Ah 2010kii oo imika laga Joogo Ku Dhawaad 6sano Ayeyna Hal Marna Xukumada Kulmiye Ee Maanta Jirtaa Aaney Horkeenin Golaha Wakiilada.

 Halka Siyaasiinta Gobalka Ka Soo Jeeda Ee Maanta Ka Tirsan Xukumada ama Xisbiga Kulmiye Aaney Af iyo Adin Midna Lagu Arag. Shalay bay Ahayd Markii uu Kulmiye Khayriyada Gabiley uu Ka Lahaa Waan Ansaxin Doonaa Gobalnimada Gabiley Hadii Ay Codkooda Siiyaan Iyadoo Shacabka Reer Gabiley Ay ugu Codeyeen Hal Daba la’ Iskadaa iney Ansixiyaane Iyagaaba Cagaha Haysta oo Aan Ogolayn in La Soo Hadal Qaado Hadana Kulmiye Mar 2aad Ayuu Maanta Doonayaa Cod.  Kulmiye Shacabka Ha uga Jawaabo Sababtu uu Golaha Wakiilada U Hor Dhigi Waayeen?

Maxamed Ali Mataan 

Email: Mataan448@gmail.com

COMMENTS
LINKS