Xukuumada Siilaanyo Ku Badh furtay Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Iyo Madax dhaqameedkii Oo Wali Ku Xidhan Jeelka Madheera +Dhaq Dhaqaaqyo lagaga Soo Horjeedo Xadhigooda Oo Maalinta Bari Lafilayo , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo Ku Badh furtay Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Iyo Madax dhaqameedkii Oo Wali Ku Xidhan Jeelka Madheera +Dhaq Dhaqaaqyo lagaga Soo Horjeedo Xadhigooda Oo Maalinta Bari Lafilayo ,
March 5, 2016 - Written by Editor:

 HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo mudadii la xidhay qarkamida madaxdhaqameedka beesha sacad muuse oo lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen weerarkii lagu qaaday goob ku taal Degmada lughaya oo xiligaa ay ka socotay diwaangalinta codbixiyayaasha halkaasina lagu dhaawacay hal askari ayaa waxaa loo xidhay arinteeda laba suldaan oo kala ah Suldaan Mawliid Sabayso iyo Suldaan Ibraahim Sulub iyo cheef Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore Iyo dhawr iyo toban qof oo kale,

XADHIGA 1 SALADIYIIN

hadaba arintaasi ayaa waxaa dhaqdhaqaaqyo kasameeyay suldaanka guud ee beelaha subeer awal suldaan xasan suldaan cabdiraxmaan iyo  madhaqameedkale, aqonyahan ayaa kasameyay in ay wadahadal lagaan xukuumada iyagoo ku doodadaya in ay madaxdhaqameedkani u tageen sidii ay usoo xalin lahaayeen rabshado ayka baqeen in ay sameeyaan dadka dega waqooyiga hargaysa balse dhalinyaro ka cadhootay dhulka xeebta oo xiligaa lagu daray in dadka degani ka codeeyaan gobolada saaxil iyo awdal ,

dhawr jeer ayay shirar ay madaxdhaqanka  waday waxaa baajiyay wasiiro xukumada ka mida oo uu hormood ka ahaa wasiirka arimaha gudaha ,wasiirkuxigeenka abniga, iyo maayarka caasimada  kuwaasi oo ku dooday in ay arinta xalka gaadhayaan halkaasi oo dhowr cisho sidaa lagu baajiyay shirar jaraa,id ay qaban lahaayeen .

dhamaana waxay noqdeen balamihii xukuumadu kuwo umuuqday dhiig joojin uun,

isku soo wada duub oo xukuumada siilaanyo ayaa ku badh furtay balamihii ay la galeen suldaanka guud ee subeer awal iyo badi aqoonyahanka beesha sidoo kale xubno kamida culumida dalka ayaa isaguna isku dayay in ay arinta madaxtooyada kala soo hadlaan taasi oo lasheegay in ay culmidani caawa soo celiyeen in aanay waxba kasuurtoobay kulan lala yeesho madaxtooyada si loogalo hadlo xadhiga madaxdhaqameedkan

sidoo kale xogahan ayaa tibaaxay in xubno xukuumada kujira oo uu hormuud ka yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye wacad ku mareen in aanayy maraba salaadiyiintan lasiidaynay maadama waasida ay hadalka u dhigeen ay ka hor yimaadeen go,aanka ay deegaamada la hoos geeyay saaxil iyo awdal

hadaba wararka aanu helayno ayaa sheegay In ay madaxdhaqameed uu horkacayo suldaanka guud ay maalinta bari iskugu imanayaan shir balaadhan oo ay kaga hadlayaan arimahan iyo ga,aanka ay ka qaadan doonaan oo lagu wado in go,aamo adag kasoo saaran sidoo kale ay saamayn togan ku yeelan doonto xukuumada iyo xisbigeeda lana filanyo in ay kalsoonida kala noqdaan xili uu ka sharaxan yahay murashaxa salaadiyiintan hadlaysa ay isku beelyihiin,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS