Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti Iyo Khasaaraha Ka Dhashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
March 15, 2016 - Written by Wariye:

wasiir ku xigeenkaHargeysa(WJN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiskiisa waxa uu kaga hadlay dagaal shalay dhex maraya ciidamada badda somaliland iyo kuwa jabuuti oo ka dhacay badda magaalada Saylac.

Waxaana uu wasiirku uu ka warbixiyay qaabka uu dagaalku dhacay iyo waliba khasaaraha ka dhashay sidoo kalena waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qarabaadii uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo ku dhintay dagaalkaasi kana tirsan ciidamada badda somaliland waxaana uu yidhi

‘’Waxaan marka hore u tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadi iyo waliba asxaabtii uu ka baxay  sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda  oo ku dhintay dagaalkaas waxaan leeyahay alla Samir iyo imaan haynaga siiyo, runtii dhacdo aan wanaagsanayn ayay ahayd laakin waa arin ka dhex dhacday laba dal oo walaalo ah, wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada somaliland way tageen,waana arin baadhisteeda iyo siday wax u dhaceen lagu maqan yahay weeye,waana hawl ay labada dawladoo gacanta ku hayaan si wanaagsan ayayna u dhamaan doontaa”Sidaas ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye

Wali isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay khasaaraha ka dhashay waxaana uu yidhi

“Waxaa ku dhintay hal askari oo ciidamada badda ka tirsan mid kalena waa dhaawac, dhanka ciidamada jabuutina waxba masoo gaadhin waxaana rajaynaynaa inay wax khayr leh kasoo baxo”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Maxamed Muuse Diiriye

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS