Xisbiyada Waddani Iyo kulmiye Oo u Xadhko Xidhay Gobolka Saaxil iyo Loolan Adag oo la Filayo in uu ku Dhex Maro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Waddani Iyo kulmiye Oo u Xadhko Xidhay Gobolka Saaxil iyo Loolan Adag oo la Filayo in uu ku Dhex Maro.
March 7, 2016 - Written by Editor:

Gudoomiye Ciro oo Shalay u Ambo baxaya Berbera iyo Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo maalinta  Arbacada ah ku sii Jeeda

madaxda-Xisbiyada

Hargeysa(Wajaalenews) Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa u xadhko xidhay Safar kala duwan oo ay ku soo maridoonan Gobolka Saaxil iyo Labada Degmo ee la raaciyey diwaanglainta  eek ala ah  Gabilay iyo Baligubadle. Gudomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxman Ciro ayaa la Filayaa in  maanta u ambo baxo Gobolka Saaxil oo uu kormeerkiisa ku saabsan arrimaha diwaangalinta ku maridoono guud ahaan Gobolkaasi  iyo Degmooyinka Gabiley iyo Balidubadle, mudada socdaalka cirro ayaa lagu sheegay in ay noqon doono inta ka horeysa Maalinta sabti ee todobaadkan inagu soo foosha leh ee la filayo in ay diwaangalintu bilaamanto  iyada oo marka uu socdaalkiisa dhameysto dib ugu noqon doona maagalada Berbera oo Maalinta sabtida ah si rasmi  ah ay uga bilaami doonto diwaangalintu. Dhanka kale Warar xogogaal ah oo aanu helayno ayaa sheegaya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi oo uu wahelinayo Madaxweynhaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud Siilaanyo oo ka qaybgalidoona xaflada lagu daahfurayo diwaangalinta codbixiyaasha ay kor meer ku soo maridoonan Gobolka Saaxil iyo Degmooyinka kale Bali-gubadle iyo gabiley oo isku mar ka bilamayso diwaangalintu. Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa waxa uu  hore loolan adagi uu ku dhex marayo gobolada Tog-dheer iyo Awdal iyaga oo labada Xisbi ku soo kala calaf qaaden. Laakiin wareegan saddexaad ayaa la sheegayaa in uu Xisbiga Kulmiye uu ku wahelindoono Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo in Hogaanka kulmiye u raaco deeganka kala duwan ee diwaangalintu ka socoto.

COMMENTS
LINKS