Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Sheegay in Xukuumadu u diiday Murashax Jamaal Askari Boodhigaadh ah kana hadlay Weerar lagu qaaday Saldaanka Guud ee Beesha Suber Awal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Sheegay in Xukuumadu u diiday Murashax Jamaal Askari Boodhigaadh ah kana hadlay Weerar lagu qaaday Saldaanka Guud ee Beesha Suber Awal.
March 31, 2016 - Written by Wariye:

xildhibaan-siciid-cilmi-rooble-800x450Hargeysa(WJN):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in kooxo maleeshiyaad ah ay weerareen Suldaankii guud ee Subeer Awal Suldan Xasan.

xildhibaan siciid cilmi rooble Sidaa wuxuu Ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi,“Waxayaabaha aan doonayo in aan u caddeeyo umadda Jamaal Cali Xuseen , Waa nin musharaxa ah oo la og yahay. Waa nin maanta u taagan musharaxa madaxweynimada,dagaal baa lala galayaa.
Anigu waxa aan qabaa in dagaalkaas si toos ah Xukuumaddu ugu jirto, waxa ii markhaatiya waxa uu codsaday askari, xaq baanu u leeyahay, waa nin musharax ah, ilaa imikana  lama siin, waa la hor taagan yahay, taa micnaheedu waxa weeye Jamaal musharaxnimo ogola,Madaxweyninama loogama ogola, askari boodhi gaadh ahna loogama ogola”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey Suldaankii dhawaan la caleemo saaray ayaa yidhi “Suldaankii guud ee Beesha Subeer Awal waa la weeraray, saldanadiisi baa la weeraray,waxaad ogeydeen baa ka dhacay, madaxa la doonaya in Beeshan laga garaaco, oo cid alaale cidii ka hor timaada Xukuumaddan ama rayigeeda dhibaata in shaqo laga qabto, haddii ay tahay mid musharaxa madaxweyne, haddii ay tahay Suldaan guud tahay, haddii ay tahay inan rayigeedii Waddani ugu tagtay, haddii ay tahay mid kale oo  UCID oo ka hadlaysa danaha umadda iyo dhaliilaha.

Waxa kale oo jirta Salaadiin beesha ka tirsan oo muddo saddex bilood ah ku xidhan Madheer iyo niman kale oo akhriyaar ah, Nimankaas Maxkamadna laga keenin  meel alaale meel xaalkooda lagu tirayeyna ma jiro,. waa arin mucjisooyin ah oo dhacday, waxa aan leeyahay haddii ay Xukuumaddani dhego leedahay, oo Maxamuud Xaashoow, adiga Wasiirkii Madaxtooyada, meeshan talada  laga wadaa waa Madaxtooyada  waxa aan leeyaha Wasiir arimahaas oo dhan dib ha loogu noqdo”

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS