Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Gobolka Gabilay+Xaaladooda Caafimaad Oo Adag+Geediga Dhimashada Duunyo Iyo Dadba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Gobolka Gabilay+Xaaladooda Caafimaad Oo Adag+Geediga Dhimashada Duunyo Iyo Dadba
March 23, 2016 - Written by Editor:

Gabiley-(  wajaalenews ) Wakhtigu Waaa Abaaro 2:30 Duhurnimo Waxaan Socdaal U Guurgalka Xaalada abaareed Ugu BAxnay Deegaanada Gobolka GAbiley iyo Awdal Anaga oo Ka Kooban Xubno ka mida Guddida Abaaraha Gobolka GAbiley iyo Koox Wariyayaal ah Waxaanu Socdaalka Abaareed Ka bilawnay Deegaanda Waqooyi Ee Magaalada GAbiley Markaad Aragto Xaalada Duruufeed Nololeed  ee Ku Gadaaman Dadka ay Abaaraha Saddex Jirsaday Saameeyeeen Wallow ay Duruufahaasi Nololeed u Dheertay , Gaajo , Oon . Dhibaato Caafimaad , Haddaba MArkaanu GAadhnay Deeganka Hadhlay Ilaa Deegaanda KA Shisheeya Ayaa waxay Indhahahaagu Qabanayaaan Xoolo Dhintay . Xoolo Ruqday oo ay ka mid YIhiin Dameero , Lo’a , iyo Adhiba Kuwaasi Oo MArkii Ay Socon Kari Waayeen Ama ay Ruqdeeen Laga Tagay Kadib Socdaalkani U Kuurgalka Xaalda Abaareed ee ka Jirta Guud ahaanba Gobolka gabiley Waxaanu Abaaro 6:44 Habeenimo Gadho Dhiganay Deeganka Cali Xaydh  Waxay indhahaagu Qabanayaaan Degmo Ka Aradan Xaalada Caafimaad oo Hadii loo Baahdo Xaalad  Emergncy Ama Xaalad Caafimaad oo Degdega aan La HAyn Qofka Xanuusta Meel La Geeyo Waayo Waa Degmo Aan HAysan Xarumo Caafimaad HAddaba Mar aanu Dadweynaha Ku Dhaqan Degmada Calixaydh Aanu Wax ka Waydiinay Duruufaha Abaareed Ee Ka Jirta MAgaaladnai ayaa Waxay Noo Sheegeen In ay Jirto Dad Danyar ah oo Barakacayaal ah Dadkaasi Oo Ka SOo Kala Hayaama Deegaano BAdan oo ka mida Gobolka gabiley Dadkani oo Dhaafi Waayey Deeganka Calixaydh iyo Deegaanada Hoos imaada Cali Xaydh ,Dadka intii Jilicsanaydna Ay Dhaafi Waayey , Dadka Qaarna Waxay Silic iyo Saxariir Ku Gaadheen Deeganka Caada Oo Deeganka Cali xaydh U jirta Ugu yaraa 25km  Halkaasi Oo ay Dadka Gaadhay deegaankaasina Ay Xoolahoodii iyo Duunyadoodiiba Dhamaatay Halka ay La Tageen Deegankaasi Xoolihii Oo Aan Socod iyo Saxariir Midna Ku Jirin.

 

Haddaba Mar aanu Dadweynah Reer Cali Xaydh aanu Wax Ka waydiinay Xaalada Magaalada iyo Dadka abaaraysan Waxay Idhaadhdeen .

“ Ana goo ah Dadweynah Reer Cali Xaydh Waxa  ay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Nagu soo Barakaceen Dad Aad Aragooda ka Dareemayso Guud ahaanba Xaalad Nololeed Eek u Gadaaman Walaahi walayaal waad Yaabi Oo indhihiina Ayayni Ku soo Arki Oo Dadka Imid Calixaydh Maaha Dad Awood  leh in ay Socdaan Amaba Ay U Hayaamaan Meesha ay Doonayaanin ay TAgaan Dadkanina waa Dad Xoolahoodii Hore u geeyey Deegaanada ku Teedsan Xeebta Ilaa Cali Xaydh Dadkuna waxay u Baahan Yihiin Gurmad Degdega “

Sawirkani Kor aad ku Arkaysaa Waaa Dameer Itaal Gabay oo Socon Wayday Lagana Tagay MArkii ay Socon Wayday Taasina Waxa Keentay Duruufta Adkaatay Ee Ka jirta Guud ahaanba Gobolka GAbiley iyo Saamaynta Ay Abaartu Ku Yeelatay Guud ahaanab Somaliland GAar ahaan Gobolada GAlbeedka Siiba Gabiley Iyo Deegaanada Hoos Imaada Calixaydh .

Dhaamaan Dadweynaha ku Dhaqan Guud ahaanab Somaliland Gaar ahaan Qurbo Joogta Somaliland ee Ka soo Jeeda GAbiley. Qof kasta Oo Danaynaya  in ay Fadhiga Ka KAcaan oo Ay Dadka Abaaruhu Saameeyeen  Ka qayb Qaataan Gurida iyo Soo Ururinta Dadka Tabaalaysan eek u Hakaday Deegaanada Cali Xaydh

Sawirkan Aad Imika Arkayaana Waaa Deeganka Cali Xaydh iyo Dadka Ay Abaartu Samaay Oo Gaajo Darteed u Xanuusan

Bal eeg Abaarta iyo Saamaynta ay Ku Yeelatay Dad iyo Duunyaba Wiilkani aad Arkaysaan Waaa Wiil ku Nool Deeganka Cali xaydh Waana Dadka ay Abaarta Ba;ani Saamysay Tasina waa Tu Dareen Iyo Jidhiidhico Ku Dilayso Markaad aragto Dadkaagii oo Jilicsan Oo Gaajo , Macluul, Daranyo Caafimaad Oo aan Deegankani LAga Helayn Goob Caafimaad oo Qofka

Emergency  Hadii ay Ku Timaado aan La helay Taasina Waaaa Xaalad U Baahan in Wax Laga Qabto .

Kadib Hakadkii Magaalda Cali Xaydh waxaqanu 5:00 Habeenimo U Socdaalka Deegaanada Ka shisheeya cali xaydh oo Xaalada Abaareed ee Ka jirta aad Ka Yaabayso Xaaladooda Nololeed iyo Xaaladooda Caafimaad Haddaba Mar aanu La kulanay Dadweynah ku dhaqan Deegaanka Turki oo Qiyaas Ahaan 70 km u jirta Deegaanka Cali xaydh Waxa aanu u sii Jeednay Wakhti ku Dhaw 4 Saac iyo Waxoogaaaa Haddaba Mar kii Aanu Gaadhnay Deegaanka Turki Meel Ka Dhaw ayaa waxa aanu La Kulanay Raq Badan iyo Adhi Loo Tar waayey oo Laga Tagay iyo Bakhtiga Xoolaha .

Sawiradan HAlk Hoose KAaga muuqdaa Waaaa Xaalada Abaareed ee Ku Gadaaman Degmooyinka Hoos Imaada GAbiley

Haddaba waxyaabaha Ugu Adkaa ee aan Safarkayaan Kulan Kulanay Waaaa Reer Qoys Ah oo Reer Guraa ah Waxay ka Kooban Yihiin Aabe iyo Hooya , Caruurtooda oo Ah Saddex Halka Ka Saddexaad Mid Ka Midi uu Jiro Muddo 10Cisho ah Waxay Nooga Warantahay Xaaladeeda Caafimaad iyo Xaalada Abaareed ee Guud ahaanba Ka jira Gabiley . Waxay Tidhi Sida Tan “ Aniga oo Ah Hooyada Dhashay Caruurtan Oo uu Iigu YAryahay Wiilkan Yare e Jira Muddo 10 Cisho ah Waxa aan La kulmay Xaalado Caafimaad oo Adag Ma jirto meel Laga Heli Karo Xarun Caafimaad oo Aan Ku Ogaado Xaaladayda Caafimaad Waxa aan Umul Ahay muddo 10 Cisho Ah Haddana Waykaaa Aan Shaqaynayo Taasina Waxa Keenay In aanu Nahay Dad Ka soo Hayaamay Markii HOre Deegaanada Ku Ag Dhaw Gobolka GAbiley Waxa Aanu Nahay Dad Reer Guraa ah Waxaan Imika U Sii Jeednaaaa Deegaanada Hadii uu Allaha Awooda Leh Na Gaadhsiiyo “ Waxaanu  U Baahanahay Gurmad Degdeg ah “

Kadib Waraysigaa Ay Gabadhu Na siisay Waxa ay Guddida Abaaraha heer gobo lee GAbiley Siiyeeen Waxoogaa Cunto ah Oo Ay Ka mid yihiin Sunkor , Furin , iyo Timir si ay Ugu Noolaadaan Mudda ay HAlkan Dagan yihiin iyaga oo ah Geedi U sii Jeeda Degmada GAbiley .

Dhanka kale markii aanu Dhaafnay Deeganka Turki Oo Ah Deegaano KA tirsan Gobolka Awdal Socdaalkayagana Waxa uu Darnaaaa Soo Daad Guraynta Dadka Ay Abaaruhu saameeyeen ee Iska Dhaaaf Xoolee iyo Duunyee Naftooda HAlis Ku Jirto Waxaanu Socono Cabaar Waxa aaanu la Kulanay Qoys Ka kooban 5 Qof oo Saddex Ka midi ay Xanuusanayaaaan Oo u Baahan GArgaar Caafimaad MArkaan Waxoogaa La yeelanay Waraysi Waxay Nooga Warameeen Xaladooda Caafimaad Waxaanay Idhaahdeee.

Waxa Xanuusaayaa Waa Laba Hablood iyo Inan Waxay La il Dara yihiin Duruufo Caafimaaad Oo aau la tacaalayno Waa aanu Nahay Dadka Reer Guraaga ah Ama HAyaanka Nololeed ku jira “ Waxaan Dawlada , iyo Bulsho weynta Ugu Baaqaynaa in ay Naga Caawiyaaan Hayaanka Nololeed ee aan ku jino “

Intaanu Ku Sii Jirnay Jidka Waa aanu La kulanay Dadweyn U soo Quud Doontay Deegaanak Cali xaydh oo U jirta Goobaha ay Ka imanayeeen Ilaaa 25 km Waxa ku kalfimay in ay Hayaankaa dheer Soo Galaana Waxa aanu Kulan La qaadanay Dadka Aanu kula Kulanay Goobtaasi waaxaany Noo sheegeen in ay Ku Calixaydh u Doonanayaan Quud ay Xaafada iyo Naftoodaba U Cunaa HAlkan Hoose ka Eeg Sawirka

Hadaba Guntii iyo Gaba Gabadii Waxa aan Dadweynaha Bulsho Weynta , Cuqaasha , Waxgaradka iyo SIyaasiyiinta Xisbiyada Qaranku Ha Caawiyaan oo h aeegaan inta a Ololaha Siyaasadeed ku Jiraaan In ay Umada wax Uugu Qabtaan inta ay Ololaha ku JIraaan
Socdaalkii Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Gabiley

Waqooyiga Magaalada Cali Xaydh

Wariye Farxaan Cabdi
Gabiley Office

IMG_1162 IMG_1133IMG_1123

COMMENTS
LINKS