|
|||||
WAJAALE NEWS
WELEE FAYTANOW DHAANDAMMAAN CIDINA KUU DHIIBAN?
March 27, 2016 - Written by Editor:Waxaa marag-ma-doonta ah in muj. muuse biixi horeba u diiday in Xisbiga kulmiye la-gula tartamo. Waa tii si cad looga reebay saddexdii musharax ee la tartamaayey. Waa tii muj. Cali guray dad hortii sheegay in uu muuse odhan doono musharax-madaxweyne ee jamaal hala iga reebo. Iyaba waa tabaalaha aduun taynu aragnaaye. Tukaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego. Maalintii daahfurka diiwaan-gelinta komishanka ee gobolka saaxil muj. Muuse muxuu yidhi: Guddoomiye faysal labadii doorasho ee hore wuu simbiriirixday ee ma dhicin, doorashadan maanta wuu guulaysanayaa? Hadal kaasi wuxuu caddeeyey in aanu md. Jamaal u oggolayn in uu tartan la-galo, balse uu si weyn u jecelyahay in uu tartanka doorashada madaxweynaha uu la-galo guddoomiye faysal. Haddaba xisbiga ucid ayey u taal cida ay u dooranayaan musharax horena wey u doorteen adiga nuusow kuuma taal. Waxa dhacay ma maqasheen? Waxaa dhacay arrin ugub ku ah siyaasadda somaliland, xukuumaddii somaliland uu hore kacyo badhsaabka burco mr. Qabo ayaa soo dhoweeyey gudd. Faysal. Weligeed na dhicin xukuumad mucaaridka soo dhoweysa. Maxaa sidaas oo kale loogu soo dhoweyn waayey gudd. Cirro? Waa dhaqan siyaasadeena ku xun isla markaas ku xun dimuqraadiyadeena. Waa somaliland burburin. Walee faytanow dhaan-dambaan cidina kuu dhiiban. Prof. Ahmed Azhari
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|